Raysal Wasaarihii Dalka Liibiya Oo U Geeriyooday Xanuunka Carona Virus Oo Uu Muddo La Ildaraa

0
Monday April 06, 2020 - 09:16:58 in by salman abdi
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaarihii Dalka Liibiya Oo U Geeriyooday Xanuunka Carona Virus Oo Uu Muddo La Ildaraa

    Raysal Wasaarihii Dalka Liibiya Oo U Geeriyooday Xanuunka Carona Virus Oo Uu Muddo La Ildaraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaarihii Dalka Liibiya Oo U Geeriyooday Xanuunka Carona Virus Oo Uu Muddo La Ildaraa
Ra'isal wasaarihi hore ee dalka Liibiya Maxamuud Jibriil ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus uu bariyahanba la il darnaa. Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyey xisbiga siyaasadeed uu marxuumku ka tirsanaa.
Mr Jibriil oo ay da'diisu 67 jir ahayd wuxuu cudurka uu ugu soo dhacay dalka Masar bishi March.
Wuxuuna xilka soo hayey xilligi uu golaha ku meel gaarka ah uu talada dalka Liibiya hayey golaha ku meel gaarka qaran xilliga uu dalkaasi ka soo kabanayey dagaallada sokeeye ee ka qarxay 2011-kii.
Xilliga golahaasi ku meel gaarka ah uu dalka Libiya ka jiray ayuu Maxamed Jibriil soo noqday Ra'isal wasaare ku meel gaar ah marki xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qadaafi.
Axaddi ayuuna Covid-19 ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Dowladda Liibiya ka arrimisa ee caalamka laga aqoonsan yahay oo tacsi u dirtay ehellada marxuumka waxay Maxamuud Jibriil ku tilmaameen inuu ahaa 'Astaan Qaran'.
Muddo 7 bilood ah ayuu Mr jibriil ra'isal wasaare ka soo ahaa dalka Liibiya, isaga oo lagu xusuusto inuu wakhtigaasi howla badan uu ka soo qabtay dib u heshiisiinta iyo sidi dagaallada Liibiya ka qarxay loo soo afjari lahaa.
Marka uu xilka ka dagayna wuxuu aasaasay xisbi siyaasadeed uu isagu hoggaaminayo oo uu ugu magac daray Xoogagga Isbahaysiga Qaran (NAF).
Dhinacyada siyaasadda Marxuum Jibriil taageersanna siyaasaddiisu waxay ku tilmaamayeen inuu ahaa nin ay siyaasaddiisu fog tahay aragti dheerna leh oo wax badan ka beddeli lahaa siyaasadda waddamada dhaca Waqooyiga Afrika