Maansada DHIB IYO CEEEB.. Waxa Tiriye Abwaan Daahir Suldaan

0
Thursday October 30, 2014 - 12:04:34 in by salman abdi
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada DHIB IYO CEEEB.. Waxa Tiriye Abwaan Daahir Suldaan

    Dhoofiyo Intaad Doonaysaan Dheelmashiyo Daalka QUrbo Layska Dhiibiyo Intaad Caydha Dhuganayso Nimanyahaw Dhulkiina Dihine Dheefsado oo Jooga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhoofiyo Intaad Doonaysaan Dheelmashiyo Daalka QUrbo Layska Dhiibiyo Intaad Caydha Dhuganayso Nimanyahaw Dhulkiina Dihine Dheefsado oo Jooga
Hadhkiisoo Qudhaa Laga Dhergaa Laydhu DHaxan Malehe.
Dhabar iyo Barwaaqiyo Aqoon Dheefleh Baa Taale
Dhimashadu ka Roon Quudhsigiyo Gaal Ku Dhaansada e
Daba Dhoonka carab Loo Noqdaa waa dhib iyo Ceebe
Dhul Duflaalka Loo Xaaqo iyo Carab Dhergoo Ey Ah.
Dhididkaaga Ruux Kaa Dafira Kuguna Dheel Dheela...
Dhulka Iiga Qaad Cagaha Iyo Dhiilo Iyo Cayba.!!!!!!!!!!!!
Qasab Inad Dhaqaaqdoo Sidii Dhagaxa Aad Luudo
Xayawaanku Wuu Dhiidhiyaa Dhagar Ka Waantowdo
Ood Dhaygag Ciil Daawataa Waa Dhib Iyo Ceebe..
Sharaf Dhawrsanaan ,Qiimo iyo Dhiirashiyo Faanba
Dhulkaagaa Xaqiiq Laga Helaa Dhaadashiyo Hiile..
Alaylehe Dhib Iyo Eed Ninkii Dhoofa Baa Garane.
wer Wer aan DHamaad iyo Lahayn Hawlo Dhumuc Yeesha.
qofuun Laga Dhur SUgayaad Tahiyo Dhoof ninkaa jira e,
Intan dhigo,Intaa Dhawr Ku joog,Dhaafi Hebel Doorkan,
Dhalalawda Talafoonka iyo Ehel Kusoo DHawra
Dheeliga Xisaabtuu Shakligu Dhalan Rogmaa Muuqu.
Dhakhsi bay Bidaartiyo Ciradu Dhab U Hilaacaane.
Dheerayni Maayee Xidhmada Waxan Ku SOo Dhaabay.
DHalinyaro Xaqiiqdii Cimrigu waa Dharaar Tirise.
DHulka Hooyo Adigaa U Cida Dhaadashiyo Haybad
Faca Soo DHalaniyo Arlada DHaxal Haloo Reebo.
Oo Aan Hoos U DHuganoo hiyiga Dhinaca San u Eega.........

Alla Mahadle ..
(Cpyrght)
Dahir Ismail Warsame(Suldan)
Riyad Saudi Arabia...