Puntland oo kahor timid sabab kasta oo dib loogu dhigi karo doorashada Soomaaliya

0
Sunday April 12, 2020 - 09:14:52 in by salman abdi
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo kahor timid sabab kasta oo dib loogu dhigi karo doorashada Soomaaliya

    Puntland oo kahor timid sabab kasta oo dib loogu dhigi karo doorashada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo kahor timid sabab kasta oo dib loogu dhigi karo doorashada Soomaaliya
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay, Puntland inay kasoo horjeedo sabab kasta oo dib loogu dhigi karo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021.

 

Wasiirka arrimaha gudaha, ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uusan noqon karin marmarsiiyo ay dowladda federalka ku doonayso inay xilka kusii dheeraysato, taasoo uu tilmaamay inay keeni karto in lasii kala fogaado.

’’Aragtida Puntland ee ku wajahan doorashooyinka 2020/2021, waa in loo diyaar garoobo doorashada oo la iskaga yimaado sidii doorashadaas ku dhici lahayd. Marnaba xaaladdo laga maarmi karo dib looguma dhigi karo doorashada,’’ ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Mr Dhabancad.

Wasiir Dhabancad wuxuuu tilmaamay inay aaminsan yihiin, iyadoo cudurka lala dagaalamayo in hadana la qaban karo doorasho, Waxaa kalo oo uu sheegay haddii laga fursan waayo oo xaaladdu adkaato inay muhiim tahay in la isku yimaado oo go’aan midaysan laga qaato sida laga yeelayo xaaladda doorashada.

’’ Waxaan ka digaynaa in madaxda Soomaaliya kaligood go’aan ka gaaraan masiirka umadda Soomaaliyeed. Haddii ay go’aan qaatana, waxaan u sheegaynaa in kala fogaanayo,’’ ayuu yidhi wasiirka maamulka Puntland.