Dagaalkii qiimaha shidaalka caalamka oo la soo afjaray

0
Monday April 13, 2020 - 08:39:53 in by salman abdi
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii qiimaha shidaalka caalamka oo la soo afjaray

    Dagaalkii qiimaha shidaalka caalamka oo la soo afjaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkii qiimaha shidaalka caalamka oo la soo afjaray

Wadamada soo saara Shidaalka ayaa waxay ku heshiyeen in la dhimo wax soo saarka dhanka Shidaalka taasi oo ah dadaal lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka dhanka qiimaha ah ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Ruushka.

Wadamada ururka ay ku bahoobeen dalalka soo soo saara shidaalka ee OPEC iyo dalalka kale ee shidaalka dhoofiya ayaa waxay dhimayaan 10 milyan oo barmiil maalinkii.

Tan iyo horaantii bishii March, qiimaha shidaalka ayaa waxaa ku yimid hoos u dhicii ugu wayn ku dhawaad muddo 20 sano ah, waxaana arintan loo aaneyay cudurka Corona.

Waa hoos u dhigidii ugu waynayd ebed ee wax soo saraka shidaaka caalamka hoose loo dhigo si qiimaha uu sare ugu kaco.

Heshiiiskan ayaa waxaa imika soo dhaweeyay hogaamiyayaasha caalamka oo qaarkood ku tilmaamay heshiis wayn.

Isniintii dalalka Eeshiya waxaa Foostadii shidaalka ah ay hoos u dhacday in ka badan $1.

Waxaa aad hoos ugu dhacay isticmaalka shidaalka saddex meelood hal meel ka dib markii in ka badan 3 bilyan oo qof lagu amray in aysan guriyahooda ka soo baxayn sababo la xiriira cudurka Corona.

Waxaa xaaladda sii murjiyay ka dib markii Sacuudiga iyo Ruushka uu ka dhex qarxay dagaalka dhanka Shidaalka ah taasi oo sababtay hoos u dhici ugu wayn muddo 20 sano ah.

Balse waxaa markii dambe soo dhex galay madaxwayne Trump oo ku baaqay in la soo afjaro khilaafka labada dal ee ugu soo wax soo saarka badan dhanka shidaalka .

Madaxwayne Donald Trump ayaa imika soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dalalka soo saara shidaalka ee ku bohoobay ururka Opec.

Waxaa uu sheegay in heshiiskan u badbaadinayo kumannan kun oo shaqo gudaha dalka Mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay madaxwaynaha Ruushka Putin iyo boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.