Ra'iisul Wasaaraha Masar oo cambaareeyay dad hor istaagay aaska dhakhtarad 'fayraska' u dhimatay

0
Tuesday April 14, 2020 - 09:13:12 in by salman abdi
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Masar oo cambaareeyay dad hor istaagay aaska dhakhtarad 'fayraska' u dhimatay

    Ra'iisul Wasaaraha Masar oo cambaareeyay dad hor istaagay aaska dhakhtarad 'fayraska' u dhimatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Masar oo cambaareeyay dad hor istaagay aaska dhakhtarad 'fayraska' u dhimatay

Ra'iisul Wasaaraha Masar ayaa waxa uu cambaareeyay koox dad ah oo ku nool tuul dalkaas ku taal kuwaas oo hor istaagay aaska dhakhtarad lagu soo warramayo inay cudurka coronavirus u dhimatay, dadka falkaas ku dhaqaaqay ayaa waxa uu ku tilmaamay "xushmad-laawayaal".

Ra'iisul Wasaaraha "oo ku hadlaya afka dadka Masar" ayaa khadka taleefanka waxa uu ku raaligeliyay Mustafa Madbouly oo ah ninkii qabay haweeneydka geeriyootay, bayaan laga sii daayay warbaahinta qaranka ayaa sidaasi lagu sheegay.

Saddex iyo labaatan qof ayaa loo soo xiray arrintaasi ka dhacday deegaanka Shubra el-Bahou ee Nile Delta.

Waxaa la rumaysan yahay inay ka cabsanayeen haddii maydka halkaas lagu aaso ay suuragal tahay in fayraska uu deegaanka ku faafo.

Dhakhtaraddaas oo 64-jir aheyd oo lagu magacaabi jiray, Sonia Abdelazim, ayaa waxa ay geeriyootay maalintii Jimcaha. Wararkuna waxa ay sheegayaan in laga helay xanuunka Covid-19, walow walaalkeed uu arrintaasi diiday, uuna sheegay in walaashii ay u dhimatay oofwareen.

Markii la damcay in la aaso ayaa dadka deegaanku waxa ay hor istaageen gaarigii ambalaaska ahaa ee maydka lagu waday inuu gudaha u galo xabaasha.

Booliska ayaa markiiba lawacay waxa ayna sunta dadka kaga ilmaysiisa ku kala eryeen dadkii dibadbaxayay ka hor inta uusan aasku dhicin, warar ayaa sheegaya.

Dadka la xiray ayaa waxaa la hayn doonaa muddo 15 cisho ah waa mudada uu baaritaanka soconayee.

BannerDhacdada ayaa si weyn loo cambaareeyay, iyadoo dacwad oogaha guud ee dalkaas Hamada el-Sawy uu arrintaasi ku tilmaamay "fal argagixiso", sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Associated Press.

Sheekha ugu wayn ee Muslimiinta Sunniga ee Masar, Sheekh Axmed al-Tayeb, ayaa sheegay in waxa dhacay ay aheyd "wax xun oo aan ku habboonayn akhlaaqda bini'aadamnimada iyo diintaba" waxa uuna ku baaqay in la soo afjaro "takoorka lala xiriirinayo cudurka".

Dalka Masar oo ah waddanka ugu dadka badan Bariga Dhexe ayaa waxa uu soo rogay xayiraado adag oo xiriir ah oo uu ku jiro bandow habeenkii ah, si la isugu dayo in lagu xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Mas'uuliyiinta ayaa waxa ku warrameen 159 qof inay cudurka u dhinteen, halka ay diiwaangeliyeen in ka badan 2,000 oo kiis.