Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose

0
Friday April 24, 2020 - 17:45:22 in by salman abdi
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose

    Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose Saldhig ay deganyihiin Ciidamada AMISOM  gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxaa lagu qaaday weerarro  qaraxyo ah  oo loo adeegsaday gaadiid lagusoo xiray waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Shiikh Cabdi oo la hadlay Idaacadda Maxalliga ah ee Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in laba gaari oo qaraxyo siday ay soo aadeen dhinaca farriinsinka ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM, balse la risaaseeyay halkaas oo uu mid kamid ah gawaaridii ku qarxay, halka kan kalena uu ku qarxay meel ku dhow madaarka Magaalada Baraawe .

Cumar Shiikh Cabdi ayaa waxa uu intaa ku daray in qaraxii dembe uu waxyeello soo gaarsiiyay garoonka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dhinaca kale Ururka Al-shabaab ayaa waxey sheegteen masuuliyadda weerarkaasi.