Daawo:-Bandowgii Magaalada Muqdisho Oo La Qaaday iyo taliyahii Policeka Boondheere oo xilka laga qaaday

0
Saturday April 25, 2020 - 16:37:04 in by salman abdi
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:-Bandowgii Magaalada Muqdisho Oo La Qaaday iyo taliyahii Policeka Boondheere oo xilka laga qaaday

    Daawo:-Bandowgii Magaalada Muqdisho Oo La Qaaday iyo taliyahii Policeka Boondheere oo xilka laga qaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo:-Bandowgii Magaalada Muqdisho Oo La Qaaday iyo taliyahii Policeka Boondheere oo xilka laga qaaday Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xilii laga qaaday taliyaha booliska ee Degmada Boondheere , halkaas oo ay xalay askari ka tirsan booliska uu ku dilay laba qof oo rayid ah.

 

Sidoo kale taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in saacad dib loo dhigay bandowgii saarnaa caasimadda Soomaaliya, habeenkii, islamarkaana uu bilaaban doono sideedda fiidnimo (8:00PM), halka uu horay u ahaa todobada fiidnimo (7:00pm), taas oo uu ku sheegay in dowladdu ay kaga jawaabeyso cabashada dadka muqdisho.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in uusan bandowga qaban doonin dadka waddooyinka socda, goobaha caafimaadka iyo dadka wax iibsanaya , sidoo kale dadka hor fadhiya guryahooda ayuusan saameyn doonin bandowga saran xilliyada habeenkii ah caasimadda Soomaaliya .

Arrintaan waxey muujineysaa in dowladda Soomaaliya ay aad u qafiifisay bandowgii maalmihii lasoo dhaafay dadku aad uga cabanayeen.