Wadamada Maraykanka iyo Talyaaniga Oo dabcinaya xayiraadaha Dalalkooda.

0
Monday April 27, 2020 - 10:49:47 in by salman abdi
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada Maraykanka iyo Talyaaniga Oo dabcinaya xayiraadaha Dalalkooda.

    Wadamada Maraykanka iyo Talyaaniga Oo dabcinaya xayiraadaha Dalalkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadamada Maraykanka iyo Talyaaniga Oo dabcinaya xayiraadaha Dalalkooda.

Dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka ayaa sheegay iney billabayaan dabcinta xayiraadaha dalalkaasi lagu soo rogay kaddib markii uu cudurka safmarka ee Coronavirus uu si ba'an u saameeyey dalalkaasi.

Tirada guud ee dadka uu cudurka haleely ee heer caalami waxay ku dhawaad gaaraysa 3 malyan oo qof.

Talyaaniga oo ka mid ah waddamada Yurub uu sida weyn u saameeyey Covid-19 wuxuu qorsheynayaa xayiraadaha adag ee dalkaasi saran, ra’iisal wasaaraha dalkaasi Giuseppe Conte wuxuu sheegay dabcinta xayiraadaha iney billaabanayaan laga billabo 4-ta bisha May.

Axaddii shalay ahayd dalkaasi waxaa cudurka corona ugu dhimatay 260 qof iyada oo tirada dhimashada ay gaartay 26,644.

Qaar ka mid ah gobollada dalka Mareykanka ayaa iyaguna billaabay iney dabciyaan xayiraadaha qaarkood iyada oo madaxda dalkaasi sheegi lahayaan awaamiirta kala fogaanshaha bulshada iney soconayaan inta xagaaga lagu jiro.

Dadka uu ku dhacay Covid-19 waxay waxay gaartay 940,000, iyada oo dhimashaduna ay gaartay 54,000.