War Deg Deg ah: Boliiska Oo Ka Cabsi weyn ka Qaba In Rabshadao ka dhacaan Kulanka Manchester Derby Iyo silva oo seegay kulankan

0
Friday October 31, 2014 - 13:00:46 in by Burco Office
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: Boliiska Oo Ka Cabsi weyn ka Qaba In Rabshadao ka dhacaan Kulanka Manchester Derby Iyo silva oo seegay kulankan

    Boliiska ayaa ku jira feejignaan la xiriirta in diyaaradaha yaryar ee remote-ka laga hago in la soo dulmariyo kulanka Manchester Derby ee axada. Nuuca yaryar ee Drone-ka ayaa sabab u aheyd dagaalkii garoonka ku dhexmaray xulalka Albania iyo Serbia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boliiska ayaa ku jira feejignaan la xiriirta in diyaaradaha yaryar ee remote-ka laga hago in la soo dulmariyo kulanka Manchester Derby ee axada. Nuuca yaryar ee Drone-ka ayaa sabab u aheyd dagaalkii garoonka ku dhexmaray xulalka Albania iyo Serbia markii diyaaradaas yari ay soo dulmartay garoonka iyadoo sida calan siyaasad ay ka danbeyso.


Laakiin inkastoo ay taasi tahay dhacdadii ugu weyneyd ee ceynkeeda oo kale ah xilli ciyaareedkan, hadana waxaa jirtay mid kale lagu dhawaaday in sidaas la sameeyo.


Nin ayaa lagu xiray suuq u dhow Etihad Stadium ka dib markii uu diyaaradaan yar ee Drone-ka soo dulmariyay garoonka kulankii ay Man City 4-1 kaga badisay Tottenham labo isbuuc ka hor. 


Boliiska ayaana haatan ka walaacsan in dhacdooyin xiriir ah oo sidaas oo kale ah la sameeyo, iyagoo xitaa sii diyaarsaday helicopter.

Ku dhawaad afar boqol oo boliis ah ayaa la geyn doonaa garoonka si loo hubiyo in shaqaqo  ka dhicin kulanka Manchester Derby ah. 

Dhinaca kalena David Silva ayaa seegaya kulanka axada ee Manchester derby ka dib dhaawacii ka soo gaaray jilibka, waxaana uu ka baqayaa inuu maqnaan doono ilaa iyo seddex isbuuc, sida ay qortay Daily Mirror.


David Silva ayaa seegaya kulanka axada ee Manchester derby ka dib dhaawacii ka soo gaaray jilibka, waxaana uu ka baqayaa inuu maqnaan doono ilaa iyo seddex isbuuc, sida ay qortay Daily Mirror.

Silva ayaa baaritaan looga sameeyay jilibka, taasoo shaacisay in kubadsameeyaha Manchester City uu soo gaaray jeex seedka jilibka ah taasoo ku qasbi doonta inuu seego kulanka Etihad ay kula ciyaarayaan deriskooda United.


Xiddiga reer  Isbaanishka ah ayaa baaritaan ku maraya cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Alexandera Hospital ee ku yaala Cheadle oo u dhow Manchester, waxaana kooxda horyaalka difaacaneysa ay qiimeyneysaa natiijooyinka lagu ogaan karo ilaa iyo inta uu maqnaanayo.

Silva oo ku dhaawacmay kulankii Newcastle ee Capital One Cup ayaa sidoo kale seegi kara kulanka ay qasab tahay inay badiyaan ee CSKA Moscow ee Champions League.

Maqnaanshaha Silva ayaa dhabarjab xoog leh waxa ay ku tahay xilli ciyaareedkooda. Waxa uu ku soo bilowday dhamaan kulamada City marka laga reebo hal kulan xilli ciyaareedkan.



contact@afkashacabka