Haweeney sheegtay in Covid-19 uu nafteeda badbaadiyay

0
Tuesday May 05, 2020 - 08:54:18 in by salman abdi
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney sheegtay in Covid-19 uu nafteeda badbaadiyay

    Haweeney sheegtay in Covid-19 uu nafteeda badbaadiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney sheegtay in Covid-19 uu nafteeda badbaadiyay

Haweeney ayaa sheegtay inay ka faa'iidday cudurka coronavirus oo ku dhacay, uuna nafteeda badbaadiyay, kaddib markii dhakhaatiirtii Covid-ka ay ogaadeen inay xanuun ku dhaca wadnaha oo halis ah.

Angela Schlegel waxaa isbitaalka la dhigay 11 maalmood kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha coronavirus.

Xaaladdeeda wadna xanuunka - oo dhakhaatiirtu ay sheegeen inay u dhiman kartay - waxaa la ogaaday markii la geeyay qeybta daryeelka gaarka ah ee loo yaqaanno ICU-da, ee isbitaalka Royal Brompton, oo ku yaalla magaalada London.

Gabadhan 36 jirka ah waxay tiri: "Aad baan u argagaxay markii la ii sheegay in wadnaheyga uusan u shaqeyneynin sidii loo baahnaa."

Waxaa horay loo geeyay isbitaallada Chelsea iyo Westminster, 22-kii March, halkaasoo baaritaannadii lagu sameeyay ay muujiyeen cilladda sambabadeeda iyo wadnaheeda.

Waxaa durbadiiba loo gudbiyay isbitaalka weyn ee Royal Brompton, waxaana loo billaabay dawooyinka ku haboon xanuunnadeeda halista ah.

Cudurka la ogaaday inay qabto - oo dhif ugu dhaca dadka - ayaa sababi kara inay waxyeello burbur ah gaarto unugyada jirka, wadnaha, sambabbada, kalagoysyada iyo neerfayaasha.

Angela Schlegel
Image captionAngela waxay sheegtay in ICU-da ay khibrad adag kala kulantay

Ms Schlegel waxay sheegtay inay muddo 2 sano ah dhakhaatiirta ugu tageysay xanuunka neefta oo ay qabtay, "laakiin waligeed aysan ka warhelin xaaladda khatarta ah ee uu ku sugnaa wadnaheeda".

"Haddii xanuunka aan qabay aan dhakhso la iga daaweyn lahayd waxaan qarna u saarnaa inaan dhinto," ayey tiri.

"Coronavirus ayaa igu abuurayay walwal badan iyo naxdin, wadnaheygana wuxuu dareemayay cadaadis badan, sidaas darteedna dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen inuu sii xoojiyay xanuunkii jirkeyga ku qarsanaa.

"Wuxuu badbaadiyay nolosheyda dambe, laakiin hadda coronavirus wuxuu ku dhawaaday inuu i dilo."

Angela Schlegal
Image captionIn Angela Schlegel ay caafimaaddo waxay dhiirrigalin weyn u noqotay shaqaalaha isbitaalka

Ms Schlegel, oo shan isbuuc ku jirtay isbitaalka, waxay howl-wadeennada laanta adeegga caafimaadka ee NHS ku tilmaantay "mid aad u wanaagsan", maadaama ay ku dadaaleen badbaadinteeda.

Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ay la kulantay, oo lagu magacaabo Dr Pugan Patel, ayaa BBC-da u sheegay in caafimaadka ay heshay Ms Schlegel uu "saameyn aad u ballaaran" ku yeeshay niyadda shaqaalaha caafimaadka.

"Marka aad aragto bukaan lugihiisa ku istaagay oo dhoollacaddeynaya saameyn weyn ayey kugu yeelaneysaa," ayuu yiri.