
Daawo: Agaasimaha Gobolada Bari ee Hay'adad FAACO oo Beeniyey Musuqa lagu eedeyey WFP
Mustafe qalab shirkan jaraa,id ee uu ku qabtay magaalada Burco waxa uu ku sheegay in haayada WFPaanay samayn wax musuq maasuq ah isala markaana aan looga baran oo ay musuq maasuqan sameeyeeen cidii mashruucyadaasi fulinaayey waaxaana hadaladiisii ka mid ahaa "waxaan u sheegaynaa jamhuuriyada Somaliland dadka ku nool in ugu horayan haayada WFP la yidhaahdaa aanay samayn wax la yidhaahdo tuugo ama musuq maasuq ay ka samayso dalka gudihiisa intaan anigu ogahay kolayba inta xafiis ee gobolada bariga arinta aan doonayo inaan uga hadlo sida gaarka ah waxa ay tahay bishii dhamaatay 27keedii ayaa waxa dhacay in baabuur raashin sida oo u sida WFP goobihii loogu talo galay qaar ka mid ah raashinkaasi inaanu gaadhin sababtana aanay lahayn WFP ay lahaayeen qaladkaa baabuuradii raashinka siday darawaladii qalad ay sameeyeen waxaa kaloo qalad sameeyey dadkaloo iyagu kula jiray”
Sidoo kale mustafe qalab waxa uu warbaahinta maxaliga ugu baaqay inay ixtiraanto haayada WFP isla markaana ay ka daayaan dulmiga iyo danbiga ay dhekada ka saarayaan isaga arimahaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi "manta cidkastaba ha ahaatee waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo in warbaahintu ay ixtiraanto haayada WFP oo ah haayad gar gaar oo u gargaarta oo wax siisa dadka danyarta ah,dadka ciyaal iskuulka ah mashaariico fara bandanna ka fulisay lixda gobo lee Somaliland mar labaad waxaan ku celinayaa hadaan ahay isu duwaha xafiiska faaco in aanay raashinkii maalin tii dhawayd burco ka dhacay iyo qadiyadan raashinkii ugu danbeeyey ee 27kii inaanay WFP shaqo Ku Lahayn ee ay tahay dadkii,shaqalaheedu nagala shaqayeey in aanu hawshaas soo qabano.
Waxaa kaloo uu mahadnaq gaar usoo jeediyey dhamaanba dadkii kala qayb qaatay sidii losoo qaban lahaa dadkii raashinkaasi ka duway goobahaasi loogu tala galay oo uu badhsaabka gobolka togdheer ka mid yahay
Waxa uu agaasimaga gobolada bari ee Faaco sheegay uu raashinakaasi hada gaadhay goobahaasi loogu tala galay isla markaana la siin doono dadkii xaqa u lahaa raashinkaasi "manta waxaanu u balan qaadaynaa oo u sheegaynaa in raashinkaasi uu goobihii yaalay oo manta dadkii ay raashinkaa haystaan oo waabo gaajo raashinkeedi tuulooyinka laga dhacay raashinkaa waxaa ka mid ah Waabo gaajo,Waxa ka mid ah waxa weeyaan meesha la yidhaahdo Dindinta waxaa ka mid ah Harada dhaamaan raashinkaasi wuu yaala wuu gaadhay markhaatibaanu uga nahay cid alaaliyo cidii markaasi raashinkaasi shaqada ku lahayd”
Gaba gabadiina agaasimaha haayada dawliga ah ee faaco waxa uu ku cel celiyey waxqabadka balaadhan ee ay haayada WFP ka gaysato Somaliland isagoona sheegay in bulshada Somaliland ay faa,iido wayn u leedhay loona baahanyahay in dhawrto
Isku soo wada duub oo hadalkan ayaa kusoo beegmaya xili ay dhamaanba gaahdeen raashinkii laga dhacay deegaanada Didinta Waaba Gaajo Iyo Harada isla markaana loo qaybaiyey dadkii deegaanadaas ku noolaa
Shaafici maxamed Ibraahim
Burco somaliland
Daawo: Agaasimaha Gobolada Bari ee Hay'adad FAACO oo Beeniyey Musuqa lagu eedeyey WFP
Agaasimuhu wuxu sheegay inaanay Hay'adda WFP shaqo ku lahayn Raashin la sheegay in Burco lagu qabtay oo la lunsanayey