Anigoo dhiig iga daadanayo ayaan wiilkeyga kasoo hoos bixiyay nin aan soo gaddiyay"

0
Wednesday June 03, 2020 - 08:16:47 in by salman abdi
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Anigoo dhiig iga daadanayo ayaan wiilkeyga kasoo hoos bixiyay nin aan soo gaddiyay"

    Anigoo dhiig iga daadanayo ayaan wiilkeyga kasoo hoos bixiyay nin aan soo gaddiyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo dhiig iga daadanayo ayaan wiilkeyga kasoo hoos bixiyay nin aan soo gaddiyay"

Ismahaan Imaan Maxamed, oo ah hooyo Axaddii ku dhaawacantay miino la qaraxday gaari ay dad rayid ah saarnaayeen ayaa BBC-da uga warrantay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha lixaadka leh ee soo gaaray qoyskeeda.

Lix ruux ayaa ku dhimatay halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen miinada waddada dhinaceeda la dhigay oo haleeshay gaariga ay la socdeen qoys ku sii jeeday tacsi ka dhacday deegaanka Daafeed ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadkii dhaawaca ahaa qaarkood, oo ay ku jirto hooyadan ayaa ku jira Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

'Anigoo uu dhiig iga daadanayo ayaan wiilkeyga raadiyay'

Ismahaan ayaa sheegtay inay halkaas ku geeriyoodeen dhowr qof oo ay ka mid tahay hooyadeed.

"Markii aan gaarnay deegaanka Xaawo Cabdi ayuu mar qura nagu dhacay qaraxa, gaarigii oo dhan ayaa kor u kacay. Kaddib waxaa billowday raadintii dadka, anigoo uu dhiig iyaga daadanayo ayaan wiilkeyga raadinayay. Hooyadey meel ayey ku rafaneysay, gabar walaashey ah oo nala socotay meydkeeda ayaa meesha yaallay, abtigey meesha ayuu ku dhintay," ayey tiri.

Wiil 4 jir ah oo ay Ismahaan dhashay ayaa ku dhaawacmay qaraxa
Image captionWiil 4 jir ah oo ay Ismahaan dhashay ayaa ku dhaawacmay qaraxa

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in markii ay xaaladdu halkaas mareysay ay dadaal u gashay sidii ay ku heli lahayd wiilkeeda oo 4 jir ah, oo markaas aysan indhaheeda qabanin.

"Wiilkeyga sidaan u raadinayay markii aan tabar dhigay ayaan kasoo hoos bixiyay nin tacbaan ah, ninkii ayaan iska gaddiyay halkaas ayaana cunuggeyga kasoo baxsaday."

Markii dadkii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaalka, waxaa durba halkaas ku geeriyooday Ismahaan hooyadeed iyo haweeney kale oo ay sheegtay inay habar yarteed ahayd.

Dadka ay waxyeellada gaartay ee gaariga saarnaa waxay u badnaayeen hal qos, oo dhammaantood isu baheystay inay u safraan tacsida.

"11 qof oo naga mid ah hal qoys ayaan ahayn, waxaa nala socday 3 ilaa 4 ruux oo markaas aan isbaranay," ayey tiri.

Hadda, Ismahaan oo wali isbitaalka ku jirta waxay aad uga walwalsan tahay wiilkeeda yar, oo dhaawac culus uu kasoo gaaray qaraxa ka dhashay miinada gaarigooda la kacday.

"Wiilkeyga xaaladdiisa aad iyo aad ayey u liidataa, laakiin alxamdulillah, kolley ninkii nool waa la dugsanaa hadduuba caafimaad qabo. Laakiin waa ilmo wuu isku dardarsan yahay walina waxaa ku jirta cabsidii qaraxa uu ka qaaday - isagoo jiifa ayuu mar mar soo boodaa - hal lug kaligeed ayuu saddex meelood ka jabay lugta kalena hilib ayaa ka go'ay, madaxa xitaa qeyb ayaa ka maqan," ayey tiri.

Toddobo qof oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la dhigay isbitaalka Madiina
Image captionToddobo qof oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la dhigay isbitaalka Madiina

Haweeney ay gaariga isku barteen Ismahaan ayaa isbitaalka taalla iyadoo dhaawac culus ka qabta madaxa. Sidoo kale waxay sheegtay inuu miyir beel ku jiro wiil uu dhalay abtigeed, oo ku dhintay dhacdadaas.

Ismahaan Imaan Maxamed ayaa noo sheegtay in xanuun aad u badan ay dareemeyso, laakiin waxay ku baaqday in laga waantoobo dhibaateynta dadka rayidka ah.

"Waxaan Alle ka baryenaa inuu Soomaalida xal u keeno. Waxyaabaha hadda dhaca ma aha si ay kusii socon karto. Xasuusteyda kama baxo qaraxaas, hurdadii way iga tagtay, sababtoo ah horay afka ayaan ka maqli jiray qaraxyada laakiin hadda waan la kulmay."

Sida ay sheegtay Ismahaan, dadkii uu qaraxa dhibka ugu weyn kasoo gaaray waxay ahaayeen kuwii qeybaha hore ka saarnaa gaariga.

'Waxaan u maleeyaa inaan wali meeshi ku dhex jiro'