War Deg Deg Ah:-Fanaan Caan Ah Oo Geeriyooday,Taariikh Faneedkiisi Iyo Goobta Uu Ku Geeriyoosay.

0
Friday June 05, 2020 - 09:52:47 in by salman abdi
  • Visits: 396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Fanaan Caan Ah Oo Geeriyooday,Taariikh Faneedkiisi Iyo Goobta Uu Ku Geeriyoosay.

    War Deg Deg Ah:-Fanaan Caan Ah Oo Geeriyooday,Taariikh Faneedkiisi Iyo Goobta Uu Ku Geeriyoosay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Fanaan Caan Ah Oo Geeriyooday,Taariikh Faneedkiisi Iyo Goobta Uu Ku Geeriyoosay.
Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa magaalada, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya




Geerida Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinat Soomaaliya Ismaaciil Oronjo. "Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun, waxaa hadda la ii xaqiijiyay in uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaanka caanka ah Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeyn ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka.

Cabdi Tahliil Warsame 'Sideed Iilayaabtaa' - YouTube

Xaaladda caafimaad ee fannaa Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay dowladda Soomaaliya. Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu.



Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii. Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.