XOG WAA MAANSO KA HADLAYSA QABYAALADDA

0
Sunday November 02, 2014 - 12:04:29 in by salman abdi
  • Visits: 1522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG WAA MAANSO KA HADLAYSA QABYAALADDA

    Maansadan Waxa Curisay Abwaan Layla Maxmed Siciid oo ku sugan Sucuudiga, waxayna si qoto dheer ugaga hadlaysa qabyaalada iyo mushkiladaha soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan Waxa Curisay Abwaan Layla Maxmed Siciid oo ku sugan Sucuudiga, waxayna si qoto dheer ugaga hadlaysa qabyaalada iyo mushkiladaha soomaalida
Xaqiiq soomaalilaand
Xidigaad tiigsatee
Kusiisoco xawligaa
Xukuumada taaganeey
Xaqdhawar shacabkaaga oo
Xaliya waxaydoonayaan
Shacbiga xayraansanoow
Marakaad xaajo doonaysaan
Xushmaynbaa lagudaa
Hakunoqon xeryihii sabaan
Xaskiyo dulinkii dhexyiil
Xasarad waalaga gudbee
Qabyaaladu wayxuntahay
Xanuunweeyaan khatarah
Waxay xaqirtaa cadliga
Xuskiyo caqligaydishaa
Xinkay baabuur utahay
Xafiislaga maamuliyo
Iblaysbay xarun utahay
Waxay dabin xeelaysana
Dadbay kuxamaalataa
Markay xadhko soohaysana
Xabaalay sooquftaa
Xogbaa lauruuriyaa
Xigmadi waxaysheegaysaa
Hadaan ruuxba ruux xasilin
Xumaantana laga hortegin
Cadaaladana laguxidhnaa
Hadaan xeer iyodastuur
Xaqooda lawaafaqsiin
Hadaan samirlagu xadiddin
Xareed laga dhaansadiyo
Xidhdarif liyo xerodugsoon
Miyaa xoorlagu dhamaa
Xornimo lagufaanayaa
Miyaa xurguf lagabaxaa
Xogbaa lauruuriyaa
Xigmadi waxay sheegaysaa
Cilaajkeedu waa xaqsoor
Xibina eyaygani magalo
Dinidu inaytahay xunbiyo
Waxaan xayndaan kujirin
Xawaarane lagumatoo
Qiyaame laxaadiroo
Waxaad sooxoogsatee
Xumaan iyokhayr ahaa
Alluhu kuxisaayoo
Xabiibkeen(maxamed)NNKH)
Baan Xasbiyalaahu raacnayoo
Xigtana waynoo islaam

Waaaaasidaa fikirkaygu qabyaalad waxay yidhaaheen abwaano badan dugsi meleh qabyaaladi way dumiso mooyaanee salaamaad illahayow waa casar jimce eemeelkasta oo islaam khilaaf kadhextaagan yahay iyo islaam cadaw laynaayo islaam isagu islaynaaya adigu kasaar xumaanta bogoodana burcad isumari yaarabi aamiiiiiiiiiiiin


Layla Maxamed Siciid
Riyadh / Saudi Arabia
https://www.facebook.com/layla.jeesto.7