Dalka Jabouti Oo Maanta Waajahaya Loolan Adag Iyo Wadamada La Dariska Ah Oo Sheeda Ka Daawanay.

0
Wednesday June 17, 2020 - 09:18:36 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Jabouti Oo Maanta Waajahaya Loolan Adag Iyo Wadamada La Dariska Ah Oo Sheeda Ka Daawanay.

    Dalka Jabouti Oo Maanta Waajahaya Loolan Adag Iyo Wadamada La Dariska Ah Oo Sheeda Ka Daawanay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Jabouti Oo Maanta Waajahaya Loolan Adag Iyo Wadamada La Dariska Ah Oo Sheeda Ka Daawanay. Tartanka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Jabuuti ee kursiga Afrika ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa lasoo gabagabeyn doonaa Arbacada maanta ah ee 17-ka Juun, laakiin natiijada ka soo baxda waxay saameyn ku yeelan doontaa iskaashiga gobolka.

 

Ka dib markii ay taageereen aqlabiyadda xubnaha ka socda Midowga Afrika sanadkii 2019, Kenya waxay fileysaa in ay si habsami leh ugu guulaysato kursiga Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC).

Kenya waxay doonaysaa in ay badasho South Africa oo loo doorto kursiga gobolka ee awooda weyn ee aduunka, laakiin doonitaankeeda waxaa carqaladeeyay ka dib markii ay jabuuti tartanka kusoo biirtay.

Laga soo bilaabo 2007, Midowga Afrika wuxuu adeegsadaa hab wareeg ah iyadoo gobol kasta uu helayo wareegiisa.

Ciddii ku guuleysata kursiga waxay ku biiri doontaa Mexico, India, iyo Canada / Ireland / Norway oo noqon doona xubanaha cusub ee UNSC.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ku booriyay Dowladaha Xubnaha ka ah inay u istaagaan taageerada Djibouti musharraxnimadooda xubinnimada Golaha Amniga ee UN-ka