Madaxweynayaasha dowlad goboleeedyada oo isku raacay inay ku shiraan magaalada Dhuusomareeb

0
Monday July 06, 2020 - 13:05:41 in by salman abdi
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha dowlad goboleeedyada oo isku raacay inay ku shiraan magaalada Dhuusomareeb

    Madaxweynayaasha dowlad goboleeedyada oo isku raacay inay ku shiraan magaalada Dhuusomareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha dowlad goboleeedyada oo isku raacay inay ku shiraan magaalada Dhuusomareeb Madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya, ayaa xalay yeeshay wada hadal ku dhexmaray khadka taleefanka, iyagoo ka xaajooday arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka Soomaaliya iyo in dowlad goboleedyadu aragti isku mid ah ka qaataan.


Warbaahinta oo xog ka heshay kulankaan ayaa ogaatay in kulan socday labo saacaddoood la isku raacay in madaxweynayaashu 8-da July iskugu yimaadaan magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, iyagoo ka shiridoona arimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayay u noqonaysaa markii ugu horeysay oo uu marti galinayo shir dhexmaridoona dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa horey u sheegay inuu ka shaqeynayo sidii iskugusoo dhoweyn lahaa dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

Waxaa la filayaa in wada hadalkaan kadib ay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada isku raacaan shirka Muqdisho oo dib u dhacay illaa toban bisha sida aan xogta ku helnay.