Somaliland Nafteeda ma-ka xoreyn kartaa Qabyaalad ???...

0
Monday November 03, 2014 - 12:06:12 in by Super Admin
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Nafteeda ma-ka xoreyn kartaa Qabyaalad ???...

    Somaliland dadka xun xun yaan fursad la siinin, ee ha leyska qabto, waxey na seejinayaan adduun iyo aakhiroba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland dadka xun xun yaan fursad la siinin, ee ha leyska qabto, waxey na seejinayaan adduun iyo aakhiroba.

Dadka wanaag doonka ah ha la soo dhaweeyo, oo haloo duceeyo, reerkuu doono haka dhashee. Soomaalidu waxey tidhaahdaa ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Wanaaga hala taageero, oo xumaantana haleyska qabto…

 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, Naxariis iyo Nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

Qabiil Iyo Qabyalada Hadii La=kala qaado Qabiil waa isir,ama farac, abtirsiimo, ka soo bilaabanta Aabbo, Awoowo iyo awowyadii ka sii horreeyey, waanna hab-qurux badan, marka laga eego dhanka wanaaga caddayn uu ah In qofka Bini’aadamka ah lagu dhalay hab-xalaal ah uu dhaxlayo magacii aabbihii., Haddaba qabyaalada ayaa iyada waxaa la odhankaraa waa qabiilkii oo si xun loo isticmaalay laysugu faano, ,iyadoo waxkasta lagu saleeyo qabyaalad oo si aan xishood lahayn warbaahinta loola soo fadhiisto maalin kasta.

Somaliland waxaad moodaa in had iyo jeer laysku khaldo farqiga u dhaxeeya Qabiil iyo Qabyaalada. Run ahaanti haddii uusan qofku kala garan qeexitaanka labadaas eray wax dhaceysa inuu waxyaalo badan isku khaldo ama xukun khaldan uu iska qaato.


Marka Hore Qabiil Allaah ayaa naga dhaliyay, Quraanka ayaa inoo sheegay in shucuub iyo qabiilo dadka loo qeybiyay , si ay isu gartaan,sidaa daradeed Allaah agtiisa waxa ugu qiimo badan . kan ugu cabsi baddan. Qabiilku qofka inuu ka dhasho waa wax uu Allaah u dooray, ee maaha mid uu isagu ikhtiyaarkiisa iska lahaa. Maaha marka in qofku lagu xumeeyo ama lagu jeclaado qabiil hebel ayuu ka dhashay, ama waxkasta halbeeg lagu saaro sida iminka jirta.

Sidoo kale Qabyaalada iyadana way xuntahay in wax lagu dulmiyo siiba dadka warbaahinta isku soo urursada oo madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin sheeganaya , isla-markaana iminka waa shay qofku xaq uusan laheyn loogu boobo, laguna dulmiyo qof danbi laawe ah. Qabyaaladu waa waxa Somaliland la hadhay, waa cudur bulshadeena aad u kala qeybiyay. Waa waxa hortaagan midnimadda iyo horumarka Somaliland. Waa wuxuu Rasuulkeeni yidhi ka taga waa shey urayee.

Haddaba dad qaar waxey had iyo jeer si khaldaan u fasirtaan, oo ay si khaldan u macneeyaan, ama isku khaldaanba qofka qabiileystaha ah iyo qofka la dhaqma dad ay isku qabiil yihiin. Qofku hadduu ula socdo qaab positive ah dad ay isku ehel yihiin, oo uu wanaaga la qeybsado, xumahana ka fogaado, wax dhibaato ah ma leh, oo waa wax khaldan haddii aad ku tuhunto inuu qabiil ku dhaqmo. Qofku reerkiisa wuu la shiri karaa, wuu la sheekeysan karaa, wax wuu la qabsan karaa, wuuna la shaqeysan karaa, ee laakiin wax xun markuu aamino in reerkiisa mooyee uusan dad kale la dhaqmi karin, reerkiisa xaq ayan laheyn siiyo ama ka shaqeeyo xumaanta reeraha kale.

Bal u fiirso Shaqsiga qabiileytaha ah, lajaad maaha dadka kale, waa shaqsi ku sifoobay aragti gaabni, xasad, xiqdi, had iyo jeer jecel inuu la macaamilo dad ay isku qabiil yihiin ama wuxuuna had iyo jeer jecleystaa ka sheekeynta qabiilka. Markuu wax qiimeynayo wuxuu wax ku qiimeeyaa aragti qabiil ku saleysan . Wuu dhibsadaa markuu arko dad reer kale ah oo meel ku sheekeysanaya. Qofka qabiileystaha ah wey ku adag tahay inuu la macaamilo bulsho weynta oo dhan. Maaha qof fur-furan, badanaa waa qof aan la soo dhaqmin dadyow kala duwan.

Haddaba waxaa talo wanaagsan ah, inaadan xukumin haddii aad aragto bulsho ama koox isku reer ah oo meel ku shiraysa. Waxa wanaagsan inaad malahaaga hagaajiso oo ka fikirto, tusaale ahaan oo kale :- inay isugu yimaadeen inay isku baraarujinayaan in qof dhibaateysan oo reerkooda ah wax loo qabanayo, inay dhulkoodi wax ka qabanayaan, inay dad heshiisiinayaan. ee markiiba hala boodin inay qabiil isugu yimaadeen. Haddii aad aragto labo isku reer ah oo isla socda, ka eeg dhanka wanaagsan, ee haka eegin dhanka xun. Waxa dhici karta inay is sheeko fahmeen ama ay isku fikrad yihiin, ee xukunku maaha waa isku reer. Ma jirto qaacido odhanaysa labo isku reer ah ma saaxiibi karaan.

Waxa iyadana wax khaldan ah, dad iyagana ku fikir ah,ama  haddii aad meel hebla tagto, oo fadhiisato waxa laguu maleynayaa qabiiliiste, oo had iyo jeer dad qaar wey ka cararaan rugaha ay dadkoodu isugu yimaadaan. Runti taasuna waa mafhuum khaldan, inaad qof ehelkaaga uga cararto yaan qabiiliiste laguu maleyn. Runti qofku waxa uu yahay mar walba wey ka muuqataa, oo bulshadu waa markhaati aan la arkeyn.

Haddii aad qof wanaagsan tahay si kasta,, oo ceeb laguugu sameeyo kuma qabanayso. Sidoo kale haddii aad qof xun tahay si kastoo sharaf laguugu raadiyo kuma helaysid.

Qofka hadduu wax wanaagsan qabto, cidduu doono ha u qabto, waxa wanaagsan in lagu amaano oo loo duceeyo. Ha is odhan reer hebel ayuu u qabtay, ogow dadka had iyo jeer waxa wanaagsan qabta, meel walboo wax laga qabanayo inay ka qeyb qaataan ayey jecel yihiin. 

 Waxaan ku soo gabagabeynayaa, Somaliland dadka xun xun yaan fursad la siinin, ee haleyska qabto, waxey na seejinayaa adduun iyo aakhiroba. Ma doonayaan inay arkaan Somaliland wanaag isugu timaado oo wax wada qabsanaysa. Qofka xumaanta u dhashay mar walba wuxuu jecel yahay in ummadda oo dhan wada xumaadaan, oo wanaaga wuxuu ka qaadaa xasaasiyad. Sidoo kale dadka wanaag doonka ah ha lasoo dhaweeyo, oo haloo duceeyo, reerkuu doono haka dhashee. Soomaalidu waxey tidhaahdaa ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. Wanaaga hal taageero, oo xumaantana haleyska qabto

ugu danbayn markasta Qabiilku ceeb maaha oo ilaahay ayaa inoo abuuray lakiin xasuusnow  , qofka idiinku sharafta badan waa ka alle agtiisa idiinku cabsi badan

 Isticmaalka qabyaalada hore ayaa la inooga digay oo uu nabigu(CSW) u yidhi: "Naga mid maaha qofka u yeedha qabyaaladda, ka u dagaalama iyo ka u dhintaaba .

Sidaa daradeed yeedhmada jaahilnimada qabyaalada aad ayey u xuntahay waanay uraysaaa,

Waxaa markaa inooga wacan qaranimada , qof jaahil ah oo markasta garaaca durbaan qabiilnimo wuu diiday mansabka ugu sareeya ee la gaadho Qaranimo

Qabyaaladu maanta waxa ay noqotay awooda keliya ee  siyaasiyiinta mucaaradku si joogta u isticmalaan ,isla-markaana  jaahilnimo ku dheehantahay  , iyagoo kaa eegaya danahooda gaarka ah.

Waxaana aan odhan-karnaa qaar ka middi way ogyihiin dhibteeda , halka inta kale aaminsanyihiin ama durbaankeeda sidataana u qabaan inay sidaasi ugu badinayso, iyagoo ku tasbiixsada markasta.diidana darajada qaranimada

Waxaan qoraalkan  u hibeynayaa Allaha u naxariistee Abwaankii Cabdulaahi  Suldaan Timocade , gabaygiisii

 

Dugsi Malaha Qabyaaladi, waxey dumiso mooyaane.

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray

Wixii hore u soo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

 

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen, waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey, waa lagaa dedaye

Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa hela e

 

Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diinti ka carrowye

Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka

 

Tusaale ahaan Dalka Tanzania ayaa waxaa la sheegay inaan laga aqoon ku dhaqanka iyo isticmaalka qabiilka arintaas oo keentay inuu dalkaas ka badbaado dhibaatooyin badan oo ka jira wadamada Afrika oo Somaliland ka mid tahay.

Waxaana Madaxweynihii hore ee dalkaasi Julius Nyerere dadkiisu kula dar dardaarmay , in ayna isku nacin qabiil , islamarkaana aan qof lagu taageerin qabiilkiisa laakiinse laysku taageero oo keliya shaqsiga aqoontiisa( Kaas ayaad isku-qabiil tihiin) iyadoona dhimashadiisii ka dib ay arintaas wali ka jirto dalkaas Tanzania oo aan laga isticmaalin wax qabyaalad ah oo ayna dadkiisu siman yihiin oo ayna is wada jecel yihiin arintaas oo ka badbaadisay dalkaas bur bur iyo dagaal uu u horseedo ku dhaqanka qabyaalada.

Tusaale kale Qasab ma’ahan in aad isku qabiil noqotaan saxiibkaaga runta ah. sababtoo ah waa qof waxa aad ku saaxiibteen laga yaabo qof leh in aadan ka hellin qabiilkaaga. Hadaad shuruud ka dhigto in uu qabiilkaaga noqdaana waxaa laga yaabaa in aadan waligaa saxiib dhab ah yeelan.

Haddaba maxay kula tahay in nolosheena aan ka xoreyno fikirka Qabyaaladda iyo nin jecleysiga ku dhisan ee aan u guurno fikir xor ah oo ku dhisan qiimeynta shaqsiga iyo qaranimadu waxay uu qaban karto Somaliland.

Intaas ayaan ku soo afjarayaa wixii kheyr ah aan sheegay waxey ka sugnaatay Allaah, wixi khaldan waa nafteyda iyo sheydaan.

 

Wabilaahi Towfiiq