"Wixii Baarlamanka ka dhacay waxay ahaayeen wax aan sharci aheyn"Wasiir Islow.

0
Saturday July 25, 2020 - 17:22:36 in by salman abdi
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wixii Baarlamanka ka dhacay waxay ahaayeen wax aan sharci aheyn"Wasiir Islow.

    "Wixii Baarlamanka ka dhacay waxay ahaayeen wax aan sharci aheyn"Wasiir Islow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wixii Baarlamanka ka dhacay waxay ahaayeen wax aan sharci aheyn"Wasiir Islow. Wasiirka wasaaradda ammaanka ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya ee uu dhowaan ku dhawaaqay Guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan . waxa uuna sheegay in xildhibaanno doonayay muddo korarsi ay carqaladeeyeen kulankii maanta ee goloaha shacabka.

 
 
Islow ayaa tilmaamay in xilligaan aan loo baahneyn in Baarlamanka lagu mashquuliyo rididda xukuumadda iyo dhismaha mid kale, balse loo baahanyahay in lagu mashquulo sidii looga shaqeyn lahaa doorashada Soomaaliya.

Wasiirka ammaanka dalka ayaa si adag uga hor yimid in xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre xilka laga qaaday, waxana uu ku qeexay falkii maanta mid qaanuunka ka baxsan.

Ugu dembeyn waxa uu ugu baaqay cid walba iney ka shaqeyso sidii dalka looga hir-gelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.