Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite

0
Monday August 17, 2020 - 09:11:19 in by salman abdi
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite

    Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite

Cidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay weerarki kooxda Al-shabaab ay ku qaaden hotelka Elite ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 16 qof ayaa ku dhimatay hoteelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido, waxaa sidoo kale halkaasi ku dhintay tiro kamid ah maleeshiyadi weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhawacamay 13 qof.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa gaari walxyaha qarxa laga soo buuxiyay hoteelka u adeegsaday galabnimada Axadii kahor inta aysan dableeyda gudaha huteelka u gelin.

Hoteelkan oo goordhaw la dhisay waxaa leh nin xildhibaan ah waxaana goobtaasi badanaa jooga saraakiisha dowladda.

Goobjogayaasha ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho iyadoo dadka halkaasi ku sugnaana la arkayey iyagoo cararaya.

Ciidamada ammaanka ayaa gebi ahaanba xiray hoteelka waxayna rasaas isweydarsadeen raggii hubeysnaa ee gudaha huteelka ku sugnaa.

Afar saacadood kadib, Afhayeenka dowladda Ismaciil Mukhtar ayaa bartiisa twitterka soo dhigay in gebi ahaabna la soo gebagabeyay weerarka iyadoo raggii weerarka soo qadayna la dilay.

Ilaa hadda ma cadda tirada ragga weerarka ka qaybqaatay.

Weerarka waxaa ku dhintay mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradaha warfaafinta iyo Gaashaandhigga, waxaa halkaasi ku dhawacmay tiro kale oo dad ah.

Website-ka gaarka loo leeyahay ee Dhacdonet ayaa hotelka ku tilmaamay kuwa aadka loo ilaaliya ee Magaalada Muqdisho

Al-shabaab oo xiriir la leh ururka Al-qaacida ayaa weerarro culus ka geysanayay dalka somaaliya muddo tobban sano ah.

Kooxdan ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta Amisom waxay ka saaren Magaalada Muqdisho balse weli qaraxyo iyo dilal ayay ka geeystan magaalada caassimada.

Labadii bilood ee ugu dambeysay waxaa isasooo tarayay weerarada kooxdan ay ka geysanaysay magaalada Muqdisho.

Toddobaadkii la soo dhaafay is-rasaasayn u dhexeysay al-Shabab iyo saraakiisha amniga ee xabsiga Muqdisho ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qof.