Siyaasaddu maaha Dumarow xisbi lagu biiro oo cayda lagu soo barto. WQ: Kamiila Abdi

0
Tuesday November 04, 2014 - 17:45:54 in by salman abdi
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasaddu maaha Dumarow xisbi lagu biiro oo cayda lagu soo barto. WQ: Kamiila Abdi

    Dhamaan dadwaynaha reer Somaliland, warbaahinta kala duwan, waxaan idinku salamayaa salaanta islaamka asalaamu calaykum,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan dadwaynaha reer Somaliland, warbaahinta kala duwan, waxaan idinku salamayaa salaanta islaamka asalaamu calaykum,

salaan kadib waxaa dhawaananahan ku soo badanaya media-yaha, ama caadaystay inay xukumada talada haysa ay cay iyo aflagaado kula dhacayaan, waxaan leeyahay wali maynaan arag dumar intaa meel lagu soo ururiyo la yidhaa, video iska duuba oo caaya xukumada dumarka waxaan kula taliyanaa, ka ku ciyaarina magaca dumarnimo maaha, gabadh intay media-yaha soo fadhisato in ay caydo raga karaamo iyo sharaf ku leh dalkan Somaliland , dumarow inaga maaha in ay ina hodaan rageenu ,kaliya inaga waxaa ina looga baahan yahay in aynu ka adkaano hawlaha guriyaheena maha in aad iibsato sharafta dumarnimo ee aad leedahay , waxaa wax lala yaabo ah ama la arki jiray gabadh , gabadh kale u jawaabta lakin maaha gabadh in ay cay ula kala baxdo raga dalku ku dhisan yahay.


Ugu danbaystii waxaan talo iyo tusaale siinayaa haweenka caadaystay in ay xukumada ka caayaan media ama raga uu maanta qarankani ku dhisan yahay ka af lagaadaynaya media-yaha , dumarow maanta hadii aynaan nabadeena iyo dalkeena aynaan i laashan cidna nabad ku seexan mayso, dumarna waa laf dhabarta dalka iyo dadka e , ha luminina sharafta alle idinsiiyay ee ku eekaada ragiina iyo guryihiina maaha oo kaliya inaad cay la soo baxdaan idinka oo aan siyaasada dhan kala haysan waxaanan sheegayaa haweenkii maalintii dhawayd ka caytamayay media-yaha .




Allaa Mahad leh



Kamiila Abdi

kamiila.nuura@gmail.com

Sweden Stockholm