War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Is Casilay Sidoo Kalena Kala Diray Baarlamaankii Waddankiisa+Sababta.
War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Is Casilay Sidoo Kalena Kala Diray Baarlamaankii Waddankiisa+Sababta. Madaxwaynihii Waddanka Mali ee Galbeedka qaaradda Afrika Ibraahim
Boubacar Keïta ayaa iscasilay, ka dib markii ay shalay xidheen militariga
dalkaasi, waxaana uu sidaasi ka sheegay telefishinka qaranka dalka Mali oo si
rasmi ah u baahiyay is casilaadda Madaxweynaha ee khasabka lagaga dhigay
kadib markii ciidanka dalkiisu ku gadoodeen.
Khudabad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Madaxweyne Keïta waxaa uu
sheegay in sidoo kale uu kala diray baarlamaanka dalka.
"Waxaan doonayaa in uusan dhiig u daadin si aan awoodda u sii hayo,” ayuu
intaa ku daray.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul
wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari
oo ku yaalla caasimadda Bamako.
Tallaabadda militariga ayaa waxaa cambaareeyay dalalka gobolka iyo
dowladda Fransiiska .
Mr Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii,
laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka
jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaaladda amni ee
kasii dareysa.
Kooxo jihaad doon ah oo waddankaas ka dagaallama ayaa qeyb ka ah amni
darrada.
Faransiiska, oo horay u gumeystay Mali, ayaa milatariga ugu baaqay
inay gadoodka joojiyaan, xeryahoodana ku noqdaan
Waa Maxay Sababta Ay Ciidamada Milatariga Mali gadoodka u
sameeyeen?
Waxaa militariga talada la wareegay hogaaminayay Col Malick Diaw oo ah ku
xigeenka madaxa saldhigga Kati – iyo abaanduule kale oo lagu magacaabo ,
Gen Sadio Camara, sida uu sheegay wariyaha BBC Abdoul Ba oo ku sugan
magaaladda Bamako.
Markii ay saldhigaasi oo u jira 15 KM caasimadda Bamako ay la wareegeen
ayaa waxay ka dib so galeen caasimadda dalkaasi oo dad ku faraxsan
tallaabadooda ay soo dhaweeyeen.
Shalay oo Salaasa ahayd ayay Milatariga waddankaasi xabsiga u taxaabeen
madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.
War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Is Casilay Sidoo Kalena Kala Diray Baarlamaankii Waddankiisa+Sababta.
War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Is Casilay Sidoo Kalena Kala Diray Baarlamaankii Waddankiisa+Sababta.