Kenya Oo Dhaqaale Xumo Wajaheysa, Xili Ay Xayiraad SaareenSoomaaliya Iyo Tanzania.

0
Friday September 04, 2020 - 11:57:19 in by salman abdi
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Dhaqaale Xumo Wajaheysa, Xili Ay Xayiraad SaareenSoomaaliya Iyo Tanzania.

    Kenya Oo Dhaqaale Xumo Wajaheysa, Xili Ay Xayiraad SaareenSoomaaliya Iyo Tanzania.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Dhaqaale Xumo Wajaheysa, Xili Ay Xayiraad SaareenSoomaaliya Iyo Tanzania. Waxaa soo kordhaya cadaadiska ganacsatada Kenya ay ku hayaan dowladda kadib markii gebi ahaanba Soomaaliya iyo Tanzania ay gaareen go’aan ay xayiraad ku saareen duulimaadyada iyo xiriirka ganacsi ee Kenya. Dowladda Tanzania ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii AirKenya, Fly540 iyo Safarilink Aviation – kadib markii Kenya ay ku adkeysatay in dadka reer Tanzania ee imanaya dalkeeda la karantiilayo muddo 14 maalmood ah, taas badelkeeda Tanzina waxay door biday inay gebi ahaanba joojiso duulimaadyadaas. Soomaaliya oo weli u furan dhinaca duulimaadka rayidka, balse xayiran duulimaadkii dhinaca ganacsiga ee Jaadka ayaa sidoo kale dhaliyay culeys dhaqaale oo ganacsatada Kenya ku cadaadinayaan dowladdooda inay wax ka badalaan hab dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Tanzania. Dowladda Soomaaliya ayaa shuruud ku xertay duulimaadyada ganacsi ee jaadka ka yimaada Kenya in dowladda Kenya fuliso shuruudaha Dowladda Soomaaliya, taasoo ugu weyn tahay in ay joojiso duulimaadyada sii mara Wajeer ee lagu baaro muwaadiniinta Soomaaliya, canshuuro lagu soo rogay jaadka iyo in ganacsiga Soomaaliya loo ii geeyo Kenya, taasoo aysan weli dowladda Kenya aqbalin. Dhamaan arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay culeysyo ganacsatada Kenya ay dowladda caro kala dul dhaceen, ilaa welina ma muqato xal arrimahaan loo lehay.