Puntland oo ka digtay roobab ku soo wajahan deegaannadeeda

0
Thursday September 17, 2020 - 12:14:39 in by salman abdi
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ka digtay roobab ku soo wajahan deegaannadeeda

    Puntland oo ka digtay roobab ku soo wajahan deegaannadeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo ka digtay roobab ku soo wajahan deegaannadeeda Iyadoo qeyba ka mid ah gayiga Geeska Afrika ay ka curteen roobabkii dayrta, ayaa wasaaradda deegaanka iyo beeraha ee maamul gobaleedka Puntland waxa ay soo saartay digniin cusub oo ay u jeedinayso dadka deggan gobollada Bari iyo Sanaag. Gobolladaas ayey wasaaraddu sheegtay in labada todobaad ee soo socota ay ku soo fool-leeyihiin roobab xooggan. Wasaaradda ayaa waxa ay dadka ku boorisay inay taxadaraan isla markaana ay u diyaar-garoobaan khatarta ka dhalan karta roobababkaasi. Cabdicasiis Nuur Cilmi waa agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo beeraha ee Puntland, digniinta ay soo saareen ayuu uga warramaya weriyaha BBC-da Mucaawiye Muxumed Buraale.