Waxaan qaadeynaa tallaabo burburin doonto Mareykanka kaddib cunaqabateynta

0
Monday September 21, 2020 - 09:32:14 in by salman abdi
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan qaadeynaa tallaabo burburin doonto Mareykanka kaddib cunaqabateynta

    Waxaan qaadeynaa tallaabo burburin doonto Mareykanka kaddib cunaqabateynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan qaadeynaa tallaabo burburin doonto Mareykanka kaddib cunaqabateynta

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani wuxuu sheegay in Mareykanka uu wajahayo "Guuldarro" kaddib tallabada Mareykanka uu ku doonayay in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran xilli waddamada reer Yurub ay ku tilmaameen arrintaas tallaabo aan sharciga waafaqsaneyn.

Xilli uu khudbad ka jeedinayay teleefishinka qaranka, Madaxweyne Ruuxaani wuxuu sheegay in "Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto handdadada Mareykanka"

Maamulka Trump wuxuu ku doodaya in tallaabada cunaqabateynta dib loogu soo rogayo Iran ay ku qoran tahay heshiiskii uu Mareykanka ka baxay sanadkii 2018-kii ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyerka.

Waddamada kala ah UK, Faransiiska iyo Jarmalka waxay sheegeen in Mareykanka uusan laheyn awood uu tallaabadaas ku qaado.

Arrinta uu shaaca ka qaaday Mareykanka waxaa ka hor yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ma kala cadda waxa ka dhalan karo go'aanka Mareykanka.

Axaddii, saraakiil Amerikaan ah oo aan magacoodu la shaacin o ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in laga bilaabo Isniinta in xukuumadda Washington ay cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xiriiriyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda.

Jawaabta Iran

Madaxweynaha Iran Ruxuuxaan wuxuu intaas ku daray "Mareykanka wuxuu u sii dhawaanaya guuldarro xilli uu shaaciyay tallaabada cunaqabateynta...wuxuu wajahaya guuldarro iyo jawaab diidmo ah oo uga timid beesha caalamka.

Mar sii horreysay wasaaradda arrimaha Iran waxay tallaabada Mareykanka ku tilmaantay 'Mid aan waxbo soo kordhineyn' isla markaana 'Tallaabooyinka Mareykanka ay halis weyn ku yihiin nabadda iyo xasiloonida caalamka iyo inay yihiin halis aan horey loo arag oo ka dhan ah Qaramada Midoobey iyo Golaha Ammaanka"

Sida dunida uga falcelisay?

Dalalka kala ah UK, Jarmalka iyo Faransiiska oo ka tirsan xubnaha joogtada ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in tallaabada ay shaaca ka qaaday xukuumadda Washington ay ka baxday heshiiskii caalamiga ahaa ee Niyukleerka, aysana u adeegsan karin qodob ku jira si dib loogu abuuro xukun cunaqabateyn ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka waxay sheegtay "Tallaabooyinka sharci darrada ah ee u wado Mareykanka in aysan ka dhalan karin cawaaqib xumo dhanka sharciga ah oo caalami ah oo ka dhan ah dalal kale"

Sabtidii, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres wuxuu Golaha Ammaanka u sheegay in tallaabo uusan qaadi karin maadama xaaladda ay u muuqato mid jahwareersan, saraakiisha Mareykanka waxay ku doodayaan inkasta oo ay ka baxeen heshiiska barnaamijka nukliyerka ee Iran haatan ay weli u isticmaali karaan in dib cunaqabateyn u soo saaraan markale.

Markii uu Mareykanka isaga baxay heshiiska, wuxuu cunaqabateyn kusoo rogay Iran oo uu si weyn u saameeyay cudurka safmarka ah ee Korona xilli dalkaas uu la daalaa dhacayay dhibaata dhaqaale iyadoo qiimaha shidaalka uu hoos u dhac ku yimid.