Dalka Laba Halaga Qabto Siyaasi Qabyaaladiiste Ah Iyo Suxufi Soomal Haadsan !WQ:Ugbaad Jalaqsan

0
Thursday November 06, 2014 - 10:29:29 in by Super Admin
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Laba Halaga Qabto Siyaasi Qabyaaladiiste Ah Iyo Suxufi Soomal Haadsan !WQ:Ugbaad Jalaqsan

    Dadku waa garan karaa waayaha lasoo maray iyo halka maanta geediga lagu yimi inay tahay laba aad u kala fog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadku waa garan karaa waayaha lasoo maray iyo halka maanta geediga lagu yimi inay tahay laba aad u kala fog



 

" Waxaynu nahay ummad tashatay oo go,aan midaysan qaadatay Somaliland waxay soo martay burburkii iyo halaagii uu naxariis laawihii siyaad bare u geystay, markii ay taasi kasoo toogtay waxay hadana gashay marxalad reer reer, xaalkuna halka uu gaadhay ninkii joogay maalintaas looga sheekayn maayo,dalku waxaa uu soo maray inaan dib qalinka dadka ugu xasuusiyo waa laga qurux badan yahay balse waxaan dareensiinayaakuwa aan ka war haynama ilaaway wixii laga soo doogay.

 

Ilaahay mahadii Somaliland maanta meel wacan ayey maraysaa Dawlad baan haysanaa qurux badan oo sharaf leh karaamadii umada iyo cisigii wadaka kor u qaaday, waxaan haysanaa Madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa duurka usoo galay soo maray maalmo qadhaadhaa oo nafta meel layska dhigay, Axamdulilaah maantana haduu umadan hogaanka u hayo.

Dadku waa garan karaa waayaha lasoo maray iyo halka maanta geediga lagu yimi inay tahay laba aad u kala fog balse waxaa halkaasi soo gaadhsiiyey dedaal dheer iyo wada jir ay umadani kusoo caano maashay, waxaan ildheer iyo mid gaaban iskaga eegi jirnay cadawgeena, balse waxaa beryihii danbe aad moodaysaa in cadawgeenii uu noqday kuwii aan moodaynay inay dadkeenii yihiin aan ku hanweynayn inay hogaamiyaan dalkan mustaqbalka waxaa se la yaab noqotay markii iyagii ka dareen cadawgii, taasi waxaan odhan karnaa waa nasiib xumo.

Dalka maanta laba ayaa waalay ee halaga qabtowaa siyaasi qabyaaladayste ah oo doonaya inuu Kursiga ku fuulo qabyaalad siyaasadaysanisagoo salaan ka dhiganaaya kuwo wax magarto ahsidaasna uu doonayo inuu dalka ku maamulo hadii uu qabsado ilaahay baan kaa ka magan galnay, waxaan ka xumahay kuwa sidaa ku badhi taaraya ee leh halyey baad tahayhada isagaaba ka daran kuwa cadawgeena ah.

Waxay ila tahay aniga marka aad doonayso inaad siyaasi noqotomarka hore waa inaad indheer garad noqotaa kana shaqaysaa samaanta dadkaaga, waa inaad kelmada aad tidhaahdaa dalkaaga iyo dadkaaga midna aanay waxba u dhiman ee ay soo jiidataa , kuna jeclaysiisaa dadkaaga ileen waa kuwa aad siyaasiga u tahay waa iyaga kuwa aad doonayso inay ku doortaan hadhawna aadmaamusho, { Somaliduna waxay ku maah maadaa wadaantii isha ka qaloocataa falykay la tagtaa } ta labaadna waxaa weeye mid wariye isku sheegaya oo waxa uu ugu yeedhay warbaahin jeebka ku sita islamarkaana aflagaadeeya madaxda iyo dadka marka lala xisaabtana tamar daran oo cabanaaya maka horena wuxuu leeyahay hadaan nahay reer hebelwar maad iska joogtaan maxaa idin dhibay.

Kuwa dadka isku diraaya eel eh waxaan nahay siyaasiyiin leh han murashaxnimokurisiga laguma raadiyo xumaan iyo cay iyo qabyaalad ee waxaa lagu raadiyaa wanaag tab iyo siyaasad xeeladaysan iyo qorshe barnaamij siiyaasadeed wax qabad mustaqbalka, se waa idiin sharaf dhac inaad maanta ku taamtaan hadii aanu nahay reer hebel waxaan smayn doonaa sidaa ilmaderayaal ragiina sidaa u hadlayaa haweenkiina maxaad u malaysnaysaan raga Somaliland hadii ay siyaasada maamuli kari waayaan ogaada booskaa dumarkaa buuxin doonee.




Wa bilaahi tawfiiq



Miss: Ugbaad Jalaqsan

ugbaadjalaqsan@gmail.com

Oslo Norway

*************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadan xushmadeeda iyo xilkeedaba leh