Madaxweyne Biixi Oo Masuuliyinta Xukuumadiisa Xilka qaadis Iyo waxa ka badal Ku sameeyay+masuulin Way daartay tareenka Siyaasada Ee Xukumada biixi.

0
Saturday October 17, 2020 - 21:39:24 in by salman abdi
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Masuuliyinta Xukuumadiisa Xilka qaadis Iyo waxa ka badal Ku sameeyay+masuulin Way daartay tareenka Siyaasada Ee Xukumada biixi.

    Madaxweyne Biixi Oo Masuuliyinta Xukuumadiisa Xilka qaadis Iyo waxa ka badal Ku sameeyay+masuulin Way daartay tareenka Siyaasada Ee Xukumada biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Masuuliyinta Xukuumadiisa Xilka qaadis Iyo waxa ka badal Ku sameeyay+masuulin Way daartay tareenka Siyaasada Ee Xukumada biixi.
WAREEGTO MADAXWEYNE: 17 /10/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020   uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Cumar Abokor Jaamac; 
        Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland
Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland 

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH 

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.