Ogaysiis Ogaysiis: Diwaangalinta Somaliland Achievement Awards 2014 oo Bilaabantay, yaad la jeceshay Abaalmarinta Sannadkan

0
Thursday November 06, 2014 - 10:56:28 in by Super Admin
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogaysiis Ogaysiis: Diwaangalinta Somaliland Achievement Awards 2014 oo Bilaabantay, yaad la jeceshay Abaalmarinta Sannadkan

    Si aad hadaba u diwaangaliso qofka amma ururka aad isleedahay xusid iyo maamuus ayuu mudanyahay fadlan booqo website-ka www.londonsomalilandcommunity.org.ukoo buuxi form-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si aad hadaba u diwaangaliso qofka amma ururka aad isleedahay xusid iyo maamuus ayuu mudanyahay fadlan booqo website-ka www.londonsomalilandcommunity.org.ukoo buuxi form-ka

Ogaysiis Ogaysiis: Diwaangalinta Somaliland Achievement Awards 2014 oo Bilaabantay, yaad la jeceshay Abaalmarinta Sannadkan

 

Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu sanad walba qabanqaabiyaa (laga bilaabo 2009-kii) munaasibad lagu xuso laguna dhiiri galiyo dadka reer Somaliland ee horumar fiican naftooda u gaadha amma umadda reer Somaliland horumarkooda iyo muuqashadooda qayb libaax ka qaata. Ururku wuxu si gaar ah u dhiiri galliya ardayda reer Somaliland ee xagga tacliinta, siiba GCSE-ka iyo A-Levels-ka, darajooyin sare ka keena.

Hadaba ururku wuxu qorshaynayaa qabashada munaasibaddii sanadleyda aheyd ee sanadkan dadkaas lagu xusayay laguna abaal marinayay oo qabsoomi doonta bisha December 12-keeda. Sidaa daraadeed waxaanu dadwaynaha reer Somaliland ogeysiinaynaa in ay furantahay, maanta laga bilaabo, soo jeedinta iyo diwaan galinta dadka ay umadda la tahay in la xuso, sida dhalinta imataxanada (GCSEs iyo A-Levels) darajo sare ku gudbay, dadka ka qayb qaata horumarinta iyo ololeynta qadiyada dadka iyo dalka Somaliland. Qaybaha ay ka koobantay abaalmarintani waxa ay kala yihiin: Arts & Culture, Business, Development/Community Champion, Education, Media, Sport iyo Somaliland Activism.

Si aad hadaba u diwaangaliso qofka amma ururka aad isleedahay xusid iyo maamuus ayuu mudanyahay fadlan booqo website-ka www.londonsomalilandcommunity. org.ukoo buuxi form-ka magcaabida (nomination) inta ka horaysa 25-ka bisha November ee sanadkan. Wixi faah-faahin ah fadlan kalasoo xidhiidha urur jaaliyadeedka numberka ah 208 848 1180 (wakhtiyada shaqada).

Guul iyo gobanimmo,

Maamulka West London Somaliland Community