Xadhiga La Dagaalanka Iyo Caga Juglaynta Xildhibaanada.WQ: Maxmed Xaamud

0
Thursday November 06, 2014 - 10:59:39 in by Super Admin
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhiga La Dagaalanka Iyo Caga Juglaynta Xildhibaanada.WQ: Maxmed Xaamud

    Maaha markii ugu horeysay ee dhacdadaas oo kale ka dhacdo Berbera ee lagula dagaalamo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Berbera,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maaha markii ugu horeysay ee dhacdadaas oo kale ka dhacdo Berbera ee lagula dagaalamo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Berbera,

 iyadoo waliba lagula dagaalamay isla xaruntooda hoolka dawlada hoose ee Berbera, waxa taas u oo kale ay dhacday xiligii uu jiray khilaafka xisbiga kulmiye ee u dhexeeyey hogaanka xisbiga iyo xukuumada, xiligaas oo xildhibaano taageersanaa Muuse Biixi xabsiga la dhigay yagoo xasaanadoodii xildhibaanimo wali sita, taas oo ah ficilada aad ka u foosha xun ee la soo darsa xildhibaanada golaha deegaanka ee guud ahaanba Somaliland.

 


Taas oo muujinaysa inaan xildhibaanadu u madax banaanayn xafiisyadooda iyo hawlahooda shaqo, waayo askariga ilaalinaya wasiirka lasoo magacaabay ee kula dagaalamaya xildhibaan la soo doortay ee hadana waliba askarigu ku saxanyahay maxay noqonaysaa fikirka ka danbeeyaa, wuxuu noqonayaa inaanay wax mudnaan ah lahayn xildhibaanadii bulshadu soo dooratay eek u yimi codka shacabka.

Maaha in xukuumadu iska indho tirto khaladaadka protocol ee jira, waayo waa in mudnaan gaaara la siiyaa hadba halka wasiirku booqanayo cidda loogu tagayo ee aanay noqon dhamaanba cida joogta ka soo dareeriya oo albaabada hoosta inoooga xidha cidii ku shaqo lahaydna yaanay cidi ka soo galin meesha, xitaa hadii arinkan lagula dagaalamay xildhibaanada uu sax yahay hadana waxa sharci daroo sii ah in xildhibaan jooga goobtiisii shaqada soona shaqo tagay uu la kulmo dagaal iyo gacan ka hadal toosa oo xitaa ceebta wayni ay tahay yadoo muuqaalkooda la duubayo hadana dagaalku soconayo, taasi waxay muujinaysaa inaan xukuumadu damqasho ka qabin wixii dhacaya.

Waxaan u soo jeedinayaa dhamaanba cidii ay khusayso in la ilaaliyo kala danbaynta iyo mudnaan u yeelida cidda mudan in la dhawro, waayo xildhibaanka la jiid jiidayaa kumuu iman sidan wasiirka oo kale qof shakhsi soo magacaabay ee wuxuu ku yimi xildhibaanku cod dadwayne, maaha in dadkii ku yimi codka shacabka la jiid jiido suuqyada goobihii laga soo doortay, taasina waxay ayaan darro ku tahay cida masuuliyada la dagaalanka xildhibaanda caadaysatay.

Xadhiga, la dagaalanka iyo cago juglaynta xildhibaanadu waata keentay inay u madax banaanaan waayaan shaqadooda, yadoo ay markhaati ka tahay dhacdadaas shalay Berbera ka dhacay oo aan waliba Berbera ugub ku ahayn, waayo waxa ka horaysay mar jeelkaba lagu guro xildhibaano hadlay oo kaliya.




Waad Mahadsantihiin



Allaa Mahad Leh




By: Mohamed Hamud Ali

Burao Somaliland

Hamudson@Gmail.Com

*************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadan xushmadeeda iyo xilkeedaba leh