Gantaallo xalay lagu garaacay caasimadda Eretariya ee Asmara

0
Sunday November 15, 2020 - 10:13:53 in by salman abdi
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gantaallo xalay lagu garaacay caasimadda Eretariya ee Asmara

    Gantaallo xalay lagu garaacay caasimadda Eretariya ee Asmara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gantaallo xalay lagu garaacay caasimadda Eretariya ee Asmara

Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Eritrea ee Asmara ayaa sheegaya in qaraxyo ka dhaceen magaalada saacado uun kadib markii sarkaal ka soo jeeda gobalka Tigreyga ee dalka Itoobiya uu ku hanjabay in ay weerari doonaan.

Qaraxyadaan ayaa imaanaya 10-maalmood kadib markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada dawladda federaalka Itoobiya iyo ciidamada daacada u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray ee TPLF.

Mas'uuliyiinta gobalka Tigreyga ayaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ku eedeyay inuu la saftay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dadka degan caasimadda Eritrea ee Asmara ayaa BBC-da u sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya gudaha magaalada.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn waxa ka socda caasimadda Asmara haddana qaraxyadu waxay dhaceen saacado uun ka dib markii sarkaal sare oo lagu magacaabo Getatchew Reda uu ku hanjabay in ay gantaallo la beegsan doonaan Ereteriya.

Ciidamada Tigreega ayaa sidoo kale la sheegayay in ay ka dambeeyen weeraradii gantaallada ahaa ee Jimcihii lagu qaaday laba garoon diyaaradeed oo kuyaala gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Sabtidii maantana waxaa jiray warar sheegaya dagaallo ka dhacay xadka ay wadaagaan Ereteriya iyo Itoobiya waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay askar loo qaaday dhaawacyadooda isbitaallada.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

.

Qalalaasaha Tigraay: "Xasuuq ka dhacay" gobolka Tigray ee Itoobiya

Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta hsaacisay inay xaqiijisay xaquuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo ay sheegtay in lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaadhayaan boqollaal ruux.

"Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay," ayuu yidhi Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.Sarkaalka u hadlay hay'adda ayaa dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu fasaxo khadka isgaarsiinta ee deegaankaas.

"Dowladdu waa inay dib usoo celiso isgaarsiinta gobolka Tigray si wax looga ogaado ficillada ay milatarigeeda ka sameynayaan gobolka, loolana xisaabtamo, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo adeegyada bani'aadannimo ee ay sameynayaan hayadaha gargaarka iyo kuwa kormeera xuquuqda aadanaha. Amnesty International waxay si walbaba sii wadi doontaa inay wax kasta u adeegsato diiwaangalinta lagu sameynayo xaaladda iyo soo bandhigidda xadgudubyada ay sameynayaan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo." Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Amnesty International ayaa sheegtay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo lasoo gaadhsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.

Goobta uu xasuuqaas ka dhacay ayey hayaddu ku sheegtay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka.