Wiil Reer Australia Ah Oo Siduu Xuud U Badbaadin Lahaa Dhexgalay Libaax Badeedyo.

0
Friday November 07, 2014 - 15:50:50 in by salman abdi
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wiil Reer Australia Ah Oo Siduu Xuud U Badbaadin Lahaa Dhexgalay Libaax Badeedyo.

    Wiil u dhashay dalkaasi Australia ayaa sameeyey qiso aad looga yaabay cidii aragtay,taas oo dadku sheegeen inay tahay mid ay film-mada ku daawan jireen oo keliyaata laakin aanay weli is odhan waxaad arki doontaan iyada oo dhab ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil u dhashay dalkaasi Australia ayaa sameeyey qiso aad looga yaabay cidii aragtay,taas oo dadku sheegeen inay tahay mid ay film-mada ku daawan jireen oo keliyaata laakin aanay weli is odhan waxaad arki doontaan iyada oo dhab ah,

waxaanu wiilkani dhex galay libaax badeed aad u badan ,isaga oo doonaayey inuu badbaadiyo Xuud badda dhexdeeda ku haftay.

Wiilkan ayaa lagu magcaabaa William Mindara,waxaanu wadankaasi Australia galbeedkiisa ku noolaa muddo dheer,isaga oo maalintii sabtidii sameeyey dhacdadan lala yaabay,kaas oo isku deyey inuu badbaadiyo xayawaanka bada ku nool ee loo yaqaano Xuudka,kaas oo ay ku weegaarsanaayeen raxan libaax badeed ahi.

Waqtigaasi waxa uu watay doon yar oo uu la saarnaa saaxiibkii,isaga oo aan awoodin wiilkaasi ay saaxiibka yihiin inuu sawiro ka qaado,waxaanu markeliyaata arkay isaga oo ay hareereeyeen libaaxyadaasi,sidaasna waxa lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo British Metro oo dalkaasi Ingiriiska laga le e yahay.

Diyaarado kuwa ciidamada badda ee dalkaasi ah ayaa ka qaaday sawiro dadka aad uga yaabiyey,kuwaas oo lagu baahiyey meelaha dadku ku kulmaan ee barta Internet-ka.

Ururka xayawaanka baddaha ilaaliya ayaa sheegay in wiilkani uu ahaa mid badbaadinaayey Xuud dhintay waqtigaasi ,isaga oo halis u galay inay cunaan libaaxyo aad u badani,kuwaas oo ahaa kuwo doonaayey isaga ka hor inay cunaan maydka Xuudkaasi.


Contact@afkashacabka.com