Ciidamada dowladda Itoobiya oo la wareegay magaalooyiin muhiim ah

0
Saturday November 21, 2020 - 09:40:12 in by salman abdi
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda Itoobiya oo la wareegay magaalooyiin muhiim ah

    Ciidamada dowladda Itoobiya oo la wareegay magaalooyiin muhiim ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Itoobiya oo la wareegay magaalooyiin muhiim ah

Hey'adaha gargarka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan si kumeelgaar ah xabadda loo joojiyo gobolka Tigrey si ay u suragasho in la gaaro dadka rayidka ah ee uu dagaalka saameeyay.

Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina'aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.

Boqllaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagalada ka socda gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi "ay is dhiibeen".

Hasa yeeshee, sheegashadaasi ma jirto cid madaxbanaan oo xaqiijin karta, maadaama isgaarsiinta iyo internet-ka gobolkaasi uu toddobaadkii labaad uu go'an yahay.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyiinka Shire iyo Raya.

Rai'sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamadiisa ay imika kus ii siqayaan caasimadda Tigrey ee, Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaa ilaa iyo imika diidan baaqyada ku saabsan in labada dhinac ay khilaafkooda wadaxaajood ku dhameeyaan.

Dagaalka imika socda ayaa ka dhashay xissadda muddo dheer ka dhex-taagnayd labada dhinac.

Ugu yaraan 33,000 oo qaxooti ah ayaa ilaa iyo imika xadka ka tallaabay

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Ugu yaraan 33,000 oo qaxooti ah ayaa ilaa iyo imika xadka ka tallaabay

Xaaladda bina'aadanimo oo laga deyrinayo

Hey'adaha gargaarka ayaan fursad u helayn in ay gaaraan goobaha dagaalka uu ka socdo, balse waxay cabsi ka qabaan in kumannaan rayid ah laga yaabo in dagaalka ay ku dhinteen tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay horraantii bishan November.

Ugu yaraan 33,000 oo qaxooti ah ayaa ilaa iyo imika xadka ka tallaabay oo gaaray dalka Itoobiya dariska la ah ee Sudan.

Hey'adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegeysa in isu diyaariyaan qaabilaada qaxooti gaaraya 200,000 oo qof oo dalkaasi soo gaari doona 6 bilood ee soo socota haddii uu dagaalka sii socda.

Jimcihii xoogagga TPLF ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gantaalo ku garaaceen magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amharada.

Dowladda gobolka Amharada ayaa waxay sheegtay in duqeyntaasi aysan wax khasaaro ah ka dhalan.