Puntland oo dad u xirxirtay qarax Gaalkacyo lagula beegsaday ciidamadeeda amniga

0
Saturday November 21, 2020 - 12:03:35 in by salman abdi
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo dad u xirxirtay qarax Gaalkacyo lagula beegsaday ciidamadeeda amniga

    Puntland oo dad u xirxirtay qarax Gaalkacyo lagula beegsaday ciidamadeeda amniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo dad u xirxirtay qarax Gaalkacyo lagula beegsaday ciidamadeeda amniga
Gudoomiyaha gobolka Mudug Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa sheegay in ay dad u hayaan qarax lagu weeraray ciidamo katirsan Puntland oo Roondo ka sameynayay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

 

Guddoomiyaha ayaa beeniyay in wax khasaare ah uu qaraxaas kasoo gaaray ciidamada lala beegsaday, balse wuxuu qiray in ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo uu dhintay falkaan.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan oo kusoo beegmaya xilli`i dhawaan laamaha amnigu ay sheegeen inay burburiyeen shabakad katirsan Alshababab oo fulisa dilalka qorshaysan iyo qaraxyada.

Goobta uu falkaan ka dhacay waa meelaha ugu badan ee ay Alshabab ku ka geysan jireen qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaan horey loogu dilay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.