WAR DEG DEG AH Lacagta Shilinka Somaliland Oo La Foojari-gareeyay, Oo Hargeysa lagu Arkay ,Dhaawaca Ay Gaadhsiin Karto Dhaqaalaha Muwaadiniinta Iyo Mooganaanta Baanka Dhexe

0
Friday November 07, 2014 - 15:43:12 in by
  • Visits: 2187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH Lacagta Shilinka Somaliland Oo La Foojari-gareeyay, Oo Hargeysa lagu Arkay ,Dhaawaca Ay Gaadhsiin Karto Dhaqaalaha Muwaadiniinta Iyo Mooganaanta Baanka Dhexe

    Sariflayaasha Magaalada Hargeysa iyo ganacsatada kale ee iibiya raashinka, ayaa ku jaho-wareersan qayb ka mid ah lacagta shilin Somaliland-ta ah oo la soo foojari-gareeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sariflayaasha Magaalada Hargeysa iyo ganacsatada kale ee iibiya raashinka, ayaa ku jaho-wareersan qayb ka mid ah lacagta shilin Somaliland-ta ah oo la soo foojari-gareeyay.


Lacagta Shilinka Somaliland ee la foojari-gareeyay isla-markaana suuqyada caasimadda lagu arkay ayaan cadadkeeda la ogeyn, laakiin sariflayaasha iyo ganacsatada kale ayaa dhibaato xooggan ku qaba lacagtaasi oo ah shanta kun ee shilin (5000 shilin Somaliland).

 

download (2)

 

 

Waxa adag sida loo kala garto shanta kun ee asalka ah iyo ta foojariga ah oo aad loogu ekaysiiyey lacagta sharciga ah ee Somaliland, hasa-yeeshee dadka ganacsatada ah ee ay lacagtan foojariga ahi soo martay ayaa adeegsada habab ay ku kala gartaan shanta kun ee sharciga ah iyo shanta kun ee la foojari-gareeyay.

Wariye ka mid ah bahda shabakadda wararka ee Arabsiyonews.com oo shalay la kulmay lacagtan Foojariga ah, ayaa waydiiyey ganacsade bakhaar ku haysta Hargeysa sid ay u kala gartaan lacagta Foojariga ah iyo ta saxda ah, waxaanu hortiisa ku sameeyay Tijaabo.

Ganacsadaha ayaa shanta Kun ee saxda ah iyo ta Foojariga ah mid walba biyo dusha ka mariyey, waxaana markaasi ka dib laba warqadadood oo is-garab yaalla noqotey tii foojariga ahayd, iyada oo iskugu dhex daadatey sida warqadda qoraalka lagu sameeyo (A4) oo biyo ku dhacday oo kale "Sidaas ayaanu ku kala garanaaā€¯ ayuu yidhi, ganacsadaha oo ka hadlayey arrintan.

Ilaa hadda lama oga cidda dalka soo gelisay lacagta la foogari-gareeyay oo labadii toddobaad ee u dambeeyayba hadal heynteedu socotay. Laakiin Masuuliyiinta Baanka Somaliland oo aanu xalay isku daynay inaanu arrintan wax ka waydiinno ayaanay noo suurto-gelin inaanu hello, inkasta oo ay ahayd inuu ka war hayo oo uu dadka uga digo lacagtan la foojari-gareeyay.

Lacagtan foojariga ah ayaa haddii aan si deg-deg ah wax looga qabanin dhaawaci karta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhaqaalaha ganactasada yar yar ee wax soo saarkoodu ku eg yahay maalin dagaalka.

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday