Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Laga Siidaayey Jasiiradda Mauritius Iyo Carruur Ku Gubatey Jiddeh

0
Friday November 07, 2014 - 23:44:58 in by salman abdi
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Laga Siidaayey Jasiiradda Mauritius Iyo Carruur Ku Gubatey Jiddeh

    Saddex ruux oo Somali ah oo laba ka mid ah yihiin carruur walaalo ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku neef-qabtoomeen dab ka kacay xaafadaha liita ee magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Saudi Arabia, sida uu sheegay Col. Siciid Saarah oo ka mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex ruux oo Somali ah oo laba ka mid ah yihiin carruur walaalo ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku neef-qabtoomeen dab ka kacay xaafadaha liita ee magaalada Jiddah ee dalka boqortooyada Saudi Arabia, sida uu sheegay Col. Siciid Saarah oo ka mid ah ciidamada difaaca shacabka Jiddah.


Dabkan ayaa Khamiistii doraad ahayd ka kacay xaafadda Nazla Yamani ee magaalada Jiddah, halkasoo ku dhow sida uu sarkaalku sheegay xafiiska hay’adda Bisha Cas ee degmadaas.

Sarkaalka ayaa sheegay in dabka uu ka kacay guri saddex dabaq ka kooban, kaddib markii uu si lama filaan ah u kacay, wuxuuna intaas ku daray inuu si dhaqso ah u gubay dabka haan ay ku jirtay hawo loogu talo-galay in looga hortago dabka.

Labada ilmood ee walaalaha ah ayaa la sheegay inay da’doodu kala ahayd laba sano jiro iyo toban sano jir. Halka qof kale ee la dhintayna uu ahaa sida uu sarkaalku sheegay qof ay qaraabo ahaayeen oo 28-jir ahaa.

Afhayeenka hay’adda Bisha Cas ee Maka Al-Mukarama, Cali Al-Qamid ayaa u sheegay warbaahinta in maydadka saddexda qof ay soo heleen shaqaale ka tirsan hay’adooda oo markii uu dabku kacay loo diray meesha si ay dadka u caawiyaan.

Sidoo kale, ciidamada difaaca shacabka magaalada Jiddah ayaa sheegay in iyaguna ay kasoo saareen dhismaha lix ruux oo dhaawacyo qaba, balse ma ayna sheegin in dhaawacyadoodu ay yihiin kuwo halis ah iyo inay fudud yihiin.

Dhanka kale, Maxkamada ku taalla magaalo-madaxda Jasiiradda Mauritius ee Port Louis ayaa sii daysay dhallinyaro Somali ah oo sannadkii hore la xidhay, kuwaasoo loo haystay inay budhcad-badeedda Soomaalida ka tirsan yihiin.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in dhallinyaradan Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 12 lagu waayay wax dambi ah, sidaas awgeedna ay ku gaadheen go’aan inay sii daayaan.

Wendy Rangan oo ah garsoorihii dhagaysanayay dacwadda ayaa sheegay in eedeymaha dhallinyaradan oo hal sanad la baadhayay lagu waayay caddeymo la xidhiidha dambiga ay galeen, taasna ay tahay sababta keentay inay go’aan ku gaadhaan in lasii daayo.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ayaa waxaa Badweynta Hindiya ka qabtay ciidamada badda Midawga Yurub bishii Oktoobar 2013-ka, iyagoo sheegay inay isku dayayeen xilligaas inay qafaashaan markab watay calanka Panama.

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa dhallinyaradan geeyay jasiiradda Mauritius oo illaa iyo waqtigaas xabsi ku haysay, iyadoo dalkaas uu yahay kan ugu badan ee lagu maxkamadeeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyo budhcadbadeednimada.


Jasiiradda Mauritius oo ku taalla Qaaradda Afrika ayaa waxaa xabsiyadeeda ku jira Soomaali fara badan oo loo haysto budhcadbadeednimo, iyadoo qaar ka mid ah maxaabiistii ku xidhnaa jasiiraddaas ay dhameysteen xabsiyadii lagu xukumay lana sii daayay. 



Contact@afkashacabka.com