Qalalaasaha Tigray: Sida uu askarigan uga badbaaday dagaal socday 11 saacadood

0
Saturday December 12, 2020 - 10:27:08 in by salman abdi
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalalaasaha Tigray: Sida uu askarigan uga badbaaday dagaal socday 11 saacadood

    Qalalaasaha Tigray: Sida uu askarigan uga badbaaday dagaal socday 11 saacadood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalalaasaha Tigray: Sida uu askarigan uga badbaaday dagaal socday 11 saacadood

Labo ka tirsan askarta Itoobiya ayaa BBC Afaan Oromoo uga warbixiyay wixii ku qabsaday gudaha xeryahooda kaddib dagaal habeen lagu soo qaaday bilowgii dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray bishii la soo dhaafay, weerarkaas oo ay soo qaadeen dagalyahanno lala xiriirinayo maamulka gobolka ee haatan xilka laga tuuray.

Kooxda TPLF - oo hore u xukumi jirtay gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla - ayaa sheegtay inay fulisay weerar iska ka hortag ah, markii ay indhaha dunidu ku sii jeedeen doorashada Mareykanka, iyadoo sheegtay inay rumeysneyd inay weerar ku soo qaadi doonaan ciidamada federaalka.

Ra`iisull Wasaare Abiy Axmed ayaa sameeyay aargoosi isaga oo amray howlgal milatari oo sababay in xilka laga tuuro dowladdii gobolka, kuna qasbay ciidamada TPLF inay galaan buuraha si ay ula dagaallamaan waxa ay ugu yeereen "kuwa ku soo duulay".

Way adkeyd in warbixin sax ah laga helo dagaalka sababo la xiriira isgaarsiinta oo laga jaray gobolka.

Askartan ayaa tilmaamay kala qeybsanaan dhanka isirka ah oo ka dhex jirta milatariga Itoobiya, iyadoo qaar ka mid ah ciidamada Tigreega lagu eedeeyay inay la safteen kuwa TPLF.

Waxaan ku sugnaa xero u dhow magaalada Adigrat, oo ku taalla xadka Eritrea. Abbaarihii 23.30, 3-dii November, aniga, iyo ciidamo kale, ayaa waxaan farriimo qoraaleed ka helnay saaxiibbadeen oo ku sugnaa saldhigga magaalada Agula - oo qiyaastii 30km (18 miles) waqooyi-bari ka xigta caasimadda Tigray ee Mekelle - iyagoo dhahaya: "Waa nala hareereeyay. Haddii aad noo imaan kartaan oo aad na badbaadin kartaan, imaada."

Wax yar kaddib, xeradeenna ayaa sidoo kale la hareereeyay, iyadoo boqollaal ciidamada gaarka ah ee TPLF iyo maleeshiyaad ay saldhigyo ka sameysteen bannaanka. Qaar ka mid ah ciidamo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega - oo goor sii horreysay ka tegay xeradeenna - ayaa la socday.

Waxaanu u tagnay korneelkii hayay furaha qolka ay ku jireen hubkeenna. Waxaanu u sheegnay inuu furo.

An Ethiopian solider carrying a mattress - November 2020
Qoraalka sawirka,

Xasaradda Tigray ayaa bannaanka soo dhigtay kala qeybsanaan isirka ah oo ka dhex jirta milatariga Itoobiya

Wuu diiday, isagoo sheegay inuusan heysan amar ah inuu sidaas sameeyo. Wuxuu ahaa Tigree, waxaana ka shakinnay inuu qeyb ka ahaa qorshaha nalagu soo weeraray.

Qaar ka mid ah ciidamadii isaga la joogay ayaa kula murmay inuu furo qolka keydka; qaar kale ayaa isku dayay inay furaan albaab. Ugu dambeyntii waan helnay hubkeenna. Ciidamada TPLF markan way bilaabeen inay na rasaaseeyaan.

Waxaan aag ka sameysannay gudaha iyo bannaanka xerada, annaga oo dhagaxaan iyo derbiyada ka dhiganeyna gaashaan. Waxay ahayd abbaarihii 01:00 markii uu dagaalku qarxay.

Waxaa annaga iyo iyaga inoo dhaxeysay masaafo aan ka badneyd 50m (164ft).

Waxaan dilnay in ka badan 100 ka mid ah. Waxay naga dileen 32. Qeybtii aan ka tirsanaa, hal qof ayaa ka dhintay sagaal kalena way dhaawacmeen.

Inta badan ciidamada naga dhintay waxaa sabab u ahaa ciidamada Tigreega ee u goostay dhanka kale.

Dagaalku wuxuu socday 11 saacadood ilaa duhurkii markaas oo taliyeyaasheenna sare ay nagu amreen inaan joojinno dagaalka, hubkeenna aan ku celinno qolka keydka, isla markaana aan dib ugu laabanno qolalkeenna. Waan aqbalnay.

Wax yar kaddib waxaa yimid duqeydii magaalada. Waxay nagu qalqaaliyeen inaan isa soo dhiibno. Abbaarihii 16:00, waxaa nalagu amray inaan dhammaan wixii ay ciidamadeenna heysteen ku wareejinno xoogagga TPLF. Mar kale, waan aqbalnay.

Kaddib, waxaa naloo sheegay inaan soo urursanno alaabteenna oo aan korno gawaarida xamuulka. Dhaawacyadeenna ayaan hore u qaadannay. Waxaa nalagu qasbay inaan ka tagno meydadka.

'Magac been ah ayaan sheegtay'

Ciidamada TPLF ayaa na geeyay mid ka mid ah saldhigyadooda ku yaalla magaalada Abiy Addi, oo 150km koofur-galbeed ka xigta Adigrat.

Map
1px transparent line

Ciidamada dhaawaca ahaa ma helin wax daweyn ah muddadaas oo dhan.

Subax walba waa nala soo wacayay. Waxaan ku qasbaneyn inaan sheegno magacyadeenna, isirkeenna iyo doorkeenna ciidanka. Waxaan u sheegi jiray magac been ah.

Waxay ahayd sida meel lama degaan ah, aad ayayna u kululeyd. Biyo yar ayaan heysannay oo aan cabno. Subax walba, waxaa nala siin jiray shaah aan sokor lahayn oo lagu shubay koobab caag ah oo dhexda laga jaray. Cuntadeenna maalintii oo dhan waxay ahayd labo rooti oo yaryar.

Ciidamada saldhigyada kale ayaa sidoo kale la keenay Abiy Addi. Waxay noo sheegeen in sidoo kale la soo weeraray. Qaarkood ayaa is dhiibay iyaga oo aan dagaal gelin; qaar kale ayaa iska caabbin ka xooggan teenna muujiyay, iyaga oo afar maalmood dagaallamayay.

Qoryaha Kalashnikov, hub culus iyo xitaa gantaallada meel dhow wax ka toogta ayaa loo adeegsaday dagaalka. Qaar ka mid ah ciidamadeenna waxay u qaxeen Eritrea.

'Dharka ciidanka oo la gubay'

Kaddib labo toddobaad, xoogagga TPLF ayaa na siiyay saddex ikhtiyaar - inaan ku biirno, inaan Tigray ugu noolaanno sida dad rayid ah amaba aan guryaheenna dib ugu laabanno. Tan ugu dambeysay ayaan qaddanay.

Balse taliyeyaasheenna sare, kuwa farsamada, haweenka ciidamada ah iyo kuwa adeegsan kara hubka culus lama siin wax ikhtiyaar ah. Ayagoo kumannaan ah ayaa lagu hayay Abiy Addi.

Sunset lit the empty road crossing the dry land of Gheralta Mountains, aerial view, Hawzen, Tigray Region, Ethiopia
Qoraalka sawirka,

Dhulka Tigray waa buuralley

Inteenna kale, waxaa naloo sheegay inaan iska bixinno dharka ciidanka. Waan diidnay, annagoo u sheegnay inay na dili karaan balse aanan taas sameyneynin - isla markaana uusan noo oggoleyn sharciga milatariga; iyo in dharkeenna uu yahay sumcaddeenna.

Ugu dambeyn heshiis ayaan gaarnay. Inaan iska bixinno dhammaan dharkeenna, kaddibna la gubo [si aysan kuwa kale u isticmaalin]. Ciidamada TPLF ayaa muuqaal ka duubay gubitaanka dharka ciidanka.

Waxay qaateen dhammaan qalabkeenna - faraantiyo, saacado, lacag.

2px presentational grey line

Qodobbo dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka Tigray

2px presentational grey lineWaxay ahxamuul ah. Mar kale, dhaawacyadeenna hore ayaan u sii qaadannay, balse midkoodna kuma jirin gaarigii aan la socday.

Ilaa 500 oo naga mid ah ayaa ku jirtay gaari walba, waxaana dhihi karaa waxaan guud ahaan ahayn ilaa 9,000 oo ciidan ah. Waxaan gaariga ku fadhinnay si ciriir ah ilaa aan ka baxno Abiy Addi abbaarihii 23:00.

Waxaan waddada ku safreynay muddo saacado ah ilaa ciidamada gaarka ah ee TPLF - ee la socday gawaarideenna - ay nagu daadiyeen qararka Webiga Tekeze oo ku yaalla xadka u dhaxeeya gobollada Tigray iyo Amhara.

Gawaaridu waxay yimaadeen waqtiyo kala duwan. Dhammaanteen koox koox ayaan isku qeybinnay, doon ayaana uga gudubnay webiga. Lix saacadood ayay nagu qaadatay inaan webiga dhanka kale uga gudubno.

Waxaan kaddib lugeynay ilaa 16 saacadood si aan u gaarno magaalada Sekota ee gobolka Amhara.

Waxaan hadda ku sugan nahay xarun booliis oo magaalada ku taalla. Si wanaagsan ayaa naloo quudiyay aadna waa naloo daryeelay. Dadka dhaawaca ah waxaa lagula tacaalayaa isbitaalka, in ka badan saddex toddobaad kaddib weerarka.

Waxaan maqlay in qaarkood ay ku dhinteen waddada, meydadkoodana laga tegay.

Corporal Ibrahim Hassan:

Waxaan ciidamada ka tirsanaa muddo siddeed sano ah. Waxaan ku sugnaa Adigrat, balse xero kale ayaan joogay. Waxaan ahaa waardiyihii shaqada ku jiray 3-dii November, oo ilaalinayay xerada 22:00 ilaa saqdii dhexe. Qaar ka mid ah ciidamada way hurdayeen.

Isla markii aan dhammeystay shaqadeyda waxaan maqlay rasaas. Wax war ah kama heyn waxa dhacayay. Bannaanka ayaan u baxay si aan u arko.

Ciidamada gaarka ah ee TPLF iyo maleeshiyaadka ayaa hareereeyay xeradeenna, wayna soo galeen. Badankeen ma hubeysneyn.