Shan goor oo uu Ruushka weerar dhanka internet-ka ku qaaday Mareykanka Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

0
Sunday December 20, 2020 - 09:38:20 in by salman abdi
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan goor oo uu Ruushka weerar dhanka internet-ka ku qaaday Mareykanka Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    Shan goor oo uu Ruushka weerar dhanka internet-ka ku qaaday Mareykanka Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan goor oo uu Ruushka weerar dhanka internet-ka ku qaaday Mareykanka Iyo Khasaraha Ka Dhashay.

Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa ku eedeeyey Ruushka inuu ka dambeeyo weerarka dhanka internet-ka ah ee lagu qaaday kombuyuutarrada xogta dawladda lagu kaydiyo oo lagu tilmaamay kii ugu ba'naaa ee abid lagu beegsado.

Iskudayga Jabsashada xogaha Kombiyuutarrada Mareykanka ayaa marki ugu horreysay lagu bartilmaameedsaday Shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Solar Winds ee sameysa barnaamijyada Koombiyuutarrada.

Iskudaygaasi ayaa bilooyin socday, Hase yeeshee Ruushka waa uu beeniyey inuu ku lug leeyahay arrintaasi.

Hay'adaha Mareykanka ee weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah xafiiska maareeya hubka Niyuukilarka.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay ineysan arrintaasi wax u dhimin amniga hubka Niyuukilarka.

Sida oo kale hay'ado waddama kala duwan ku sugan oo ay ka mid yihiin kuwo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa weerarka dhinaca Koombiyuutarrada lagu qaaday, iyada oo loo adeegsaday habka iskudayga jabsashada xogaha ee Mareykanka ka dhacay.

Cilmibaadhayaasha loo xilsaaray ka hortagga weeraraadaasi waxay sheegeen arrintan in si buuxda loo fahmo halka ay ka socdan weerarradan dhinac interneetka ah.

Muxuu Pompeo ka yiri weerarka dhanka internet-ka?

Mr Pompeo oo idaacad wareysi siiyey ayaa sheegay inuu aaminsan yahay weerarkaasi inuu Ruushka ka dambeeyo, weerarradan bilooyinka socda ayaa lagu qaaday hay'ado iyo shirkado laga leeyahay Mareykanka iyo kuwo ay leeyihiin dowlado kale.

Si la mid ah wasaaradda tamarta Mareykanka waxaa sida oo kale la bartilmaameedsay hay'ado kale oo ay dowladda dhexe ee Mareykanka leedahay oo ay ka mid yihiin Qasnadda guud, wasaaradaha arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, difaaca iyo ganacsiga.

Mr Pompeo waxaa kale uu sheegay in Baarayaasha Mareykanka ee howshan loo xilsaaray ay weli ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen weerarkaasi rasmi ahaan waxa uu yahay.

Ruushka ayaana donaya ayuu yiri inuu hab nolaleedkeenna u wiiqo, isaga oo intaa ku daray Madaxweyne Viladmir Putin inuu yahay khatar weli taagan.

Sidee ayuu madaxweyne Trump uga falceliyay weerarka dhanka internet-ka ee Ruushka lagu eedeeyay?

Madaxweynaha laba farriin uu bartiisa Tweetarka soo dhigay ayuu ku sheegay 'War been abuur ah' warbaahintuna ay arrinta buunbuuninayan.

Donald Trump

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Wuxuuna Trump intaasi ku daray in weerarka la xakameyey wax walibana si wanaagsan gacanta loogu hayo.

Ruushka ayaa inta badan farta lagu fiiqa markasta oo ay wax dhacan, iyada oo arrima dhaqaale lala xiddhiidhinaya, balse waxaa suurtagal noqon karto inuu shiinaha weeerarkaasi uu ka dambeeyo.

Donald Trump iyo Mike Pompeo ayaanan had iyo jeer isku aragti ka ahayn dalka Ruushka.

Trump oo aan ka hadlin hadalka ka soo yeedhay xoghayihiisa arrimaha dibadda ayaan sida oo kale wax caddeyn ah oo ku sabsan inuu Shiinaa arrintan ka dambeeyo aan soo dhigin marka laga reebo inuu Shiinaha uu magac dhabay.

Madaxweynaha cusub ee la doortay Joe Biden oo la filayo in xilka loo dhaariyo 20-ka bisha January wuxuu sheegay ahmiyadda koobaad inuu siinayo ammaanka dhanka interneetka.

HTML code

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shan goor oo uu Ruushka weerar dhanka internet-ka ku qaaday Mareykanka

1) Cuckoo's Egg

Qofkii ugu horeeya ee ay dabagal ku sameeyaan burcadda internet-ka ee ajaanibta ah ee qaadaya xogta xasaasiga ah ee Mareykanka ma aheyn jaajuus, laakiin wuxuu ahaa cirbixiyeen ka walwalsan bixinta $ 0.75 oo doolar.

Ninkan oo lagu magacaabo Cliff Stoll ayaa la weeraray shabakadda combuyuutar-kiisa sannadkii 1988-dii. Waxa uu dareemay in uu qof kale isticmaalayo aaladdiisa combuutarka.

2) Moonlight Maze

Toban sano ka dib, bartamihii 1990-meeyadii, ayaa la ogaaday ololihii ugu horreeyay ee basaasnimo ee dhanka internet-ka ee ay fuliso hay'ad sirdoon ee dawladeed.

Nambar loogu magac daray 'Moonlight Maze', inkastoo qaar ka mid ah macluumaadka nambarkaasi aan weli la garanayn. Laakiin tani waxay ahayd koox heer sare oo jabsada xogaha daahsanoon ee kombuutarada ku keysan. Waxayna doonayeen ineey xadaan sirta militariga Mareykanka.

Burcadu waxay qaateen macluumaad aad u tiro badan. Iyo, markii ugu horeysay, saraakiisha difaaca sidoo kale waxay ka baqayeen inay wax uun ka tagaan - si loo wiiqo nidaamyadooda.

Waxaana la xiriiriyay isla burcaddii ka dambeysay weerarkii Moonlight Maze.

3) Buckshot Yankee

Sannadkii 2008, aaladda 'USB' oo macluumaadka lagu keydsado oo ay ka buuxaan waxyaabaha lagu jabsado kombuyuutarada ayaa laga helay baarkinka gawaarida ee saldhig milatariga taasi oo ruxday Washington.

Waxay u oggolaatay jabsadayaasha inay dhex galaan nidaamyada militariga Mareykanka ee gaarka ah kuwaasoo loo maleynayay in hawada laga saaro.

Waxay qaadatay afar bilood falanqeeye inuu ku arko jabinta Taliska Dhexe ee Mareykanka iyo nadiifinta, oo loo yaqaan 'Buckshot Yankee', waxay qaadatay xitaa waqti dheer.

US Cyber Command joint operations center on the NSA campus is seen on May 25, 2020, in Fort Meade, Maryland

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

The US Cyber Command joint operations centre on the NSA campus in Fort Meade, Maryland

4) The Democrats

Sannadihii ku xigay, Shiinaha wuxuu bilaabay inuu isagana diiradda saaro Mareykanka - gaar ahaan marka la eego xatooyada sirta ganacsiga.

Laakiin Ruushku ma uusan tegin.

Intii lagu guda jiray doorashadii madaxweynenimada Mareykanka ee 2016-kii waxaa soo baxday in kooxaha sirdoonka Ruushka u qaabilsan jabsashada ay kujireen gudaha xisbiga Dimuqraadiga.

Kooxda ka socota wakaaladda sirdoonka ee SVR, waa ay qarooneyd - laakiin kooxda sirdoonka milatariga ee GRU - Fancy Bear - qorhe kale ayay maanka haysay.

Waxay soo bandhigtay macluumaadkii la xaday oo la xiriitay doorashadii Mareykanka uu ku guuleystay Trump.

5) Sunburst

Waxaa ugu dambeeyay weerarka dhanka internet-ka ah ee lagu qaaday kombuyuutarrada xogta dawladda Mareykanka lagu kaydiyo waxaana weerarkan lagu tilmaamay kii ugu ba'naaa ee abid lagu beegsado. Si kastaba ha noqotee, saraakiisha federaalku waxay ka hadlaan "khatarta aadka u weyn" ee uu leeyahay weerarkan.