Saxafiyiin ka tirsan Aljazeera oo taleefannadoodii 'dawlado jabsadeen'

0
Wednesday December 23, 2020 - 11:28:34 in by salman abdi
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxafiyiin ka tirsan Aljazeera oo taleefannadoodii 'dawlado jabsadeen'

    Saxafiyiin ka tirsan Aljazeera oo taleefannadoodii 'dawlado jabsadeen'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxafiyiin ka tirsan Aljazeera oo taleefannadoodii 'dawlado jabsadeen'

Koox saxafiyiin ah oo ka tirsan telefishanka Al Jazeera ayaa la sheegay in la jabsaday aaladahoodii, kaddib markii loo adeegsaday qalab basaasid ah oo ay soo saartay shirkadda Israel laga leeyahay ee NSO Group, sida ay sheegeen baadhayaal dhanka amniga internetka ah.

Faahfaahinta shaqaalaha la bartilmaameedsaday ayaa gaadha 36 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha caadiga ah, oo ay ku jiraan weriyayaasha wararka akhriya TV-ga iyo maamulayaasha, ayaa lagu daabacay warbixin ay soo saartay Citizen Lab oo ka tirsan Jaamacadda Toronto.

Waxaana warbixinta lagu sheegay nuglaanshaha barnaamijka softiweerka ee ka hawlgala iPhone ayaa fudaydiyey, maadaama uu ahaa noocan dhawaan shirkaddu soo saartay kii ka horreeyey.

NSO Group, oo ah shirkadda lagu eedeeyey ku lug lahaanshaha falkan ayaa beenisay eedaha loo soo jeediyay, waxayna sheegeen in "aysan hayn wax caddeyn ah".

Baadhayaasha Citizen Lab ayaa sheegay inay ku soo gabagabeeyeen warbixintooda "kalsooni dhexdhexaad ah" ay ku qabaan in labada nin ee weerarka soo qaaday oo basaasayey taleefanada saxafiyiinta Aljazeera ay u shaqaynayeen dowladaha Saudi Arabia iyo UAE.

"Taleefoonnada ayaa la waxyeelleeyey iyadoo la adeegsanayo silsilad wax isdabamarin ah oo aan ugu magac darnay Kismet," ayay cilmi-baadhayaashu qorayaan.

Bishii Luulyo 2020, Kismet wuxuu ahaa weerar hal maalin ah - taasoo la micno ah in Apple aan loo maleyn karin cilladda - waxayna ka shaqeysay ugu yaraan iOS 13.5.1, waxaana la jabsan karaa Apple nooceeda iPhone 11, oo ahaa qaabkii ugu dambeeyay waqtigaas uu falkani dhacayey.

Citizen Lab waxaa markii ugu horeysay lagu soo wargaliyay howlaha basaasnimo ee ka dhalan kara taleefoonada saxafiyiinta markii uu la soo xidhiidhay Tamer Almisshal, oo ah filim sameeye dhanka baadhitaan ka ah oo ka tirsan Al Jazeera.

Mr Almisshal wuxuu muujiyay walaac ah in iphone-kiisa la jabsaday sidaa darteedna waaxda shaybaadhka ee Citizen uu u ogolaaday inay la socdaan dhaqdhaqaaqa aaladdiisa.

"Waxaan ogaanay in 19 July 2020, taleefankiisa uu booqday degel aan ka ogaanay baadhitaankayaga internetka oo ah Server ah NSO Group's Pegasus spyware, kaas oo loo adeegsado geeddi-socodka ku-qaadsiinta bartilmaameedka dadka laga jabsanayo taleefannada," cilmi-baarayaasha Citizen Lab sida ay sheegeen.

Isagoo ka jawaabaya eedeymahaas, afhayeen u hadlay NSO Group ayaa yiri: "warbixintan waxa ay mar kale ku saleysan yahay mala-awaal, mana lahan wax caddeyn ah oo taageeraya xiriirka NSO."

Wuxuu intaas ku daray in shirkaddu ay siisay barnaamijyo dawladaha qaar , kuwaas oo u adeegsaday wax ka qabashada dambiyada culus ee abaabulan iyo argagixisanimada, isla markaana aan ku shaqeyn barnaamijka laftiisa.

NSO Group waxay sii wadi doontaa "inay si hagar la'aan ah uga shaqeyso sidii adduunka looga dhigi lahaa meel nabdoon", ayuu raaciyay.

Afhayeen u hadlay Apple ayaa sheegay in iOS 14 uu ahaa "horusocod weyn oo horumar ah" oo lagu ilaalinayo weerarada noocan ah.

"Weerarka lagu sharaxay cilmi baadhista waxaa si aad ah u bartilmaameedsaday dowlado kuwaas oo oo raadinayey shaqsiyaad gaar ah," ayuu yiri.

"Waxaan mar walba ku boorinaynaa macaamiisha inay soo dejiyaan nooca ugu dambeeya ee barnaamijyadayada si ay naftooda iyo xogtooda u ilaashadaan."

BBC waxay la xidhiidhay Al Jazeera iyo safaaradaha London ee Sacuudiga iyo Imaaraadka si ay uga faaloodaan.