Nolosha "jaajuuska" Maraykanka ah ee Ruushka u xidhan

0
Thursday December 24, 2020 - 08:50:56 in by salman abdi
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nolosha "jaajuuska" Maraykanka ah ee Ruushka u xidhan

    Nolosha "jaajuuska" Maraykanka ah ee Ruushka u xidhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nolosha "jaajuuska" Maraykanka ah ee Ruushka u xidhan

Paul Whelan oo lagu helay dambi ah inuu yahay basaas Mareykan ah ayaa isku diyaarinaya inuu ciida masiixiga ku qaato xero shaqaale oo Ruush ah, iyadoo wadahadalladii looga hadli lahaa siideyntiisa ay hakad galeen.

Wareysigiisii ugu horreeyay oo faahfaahsan tan iyo markii la xidhay, Mr Whelan wuxuu ku tilmaamay nolosha lagu xidhay in lala xidhay gacankudhiiglayaasha iyo tuugo ay tahay "mid aad u xun" wuxuuna ugu yeedhay mas'uuliyiinta dowladdiisa in ay wax badan ka qabtaan sidii loo soo deyn lahaa.

Ninkan oo ka tirsanaa ciidankii hore ee badda ee Maraykanka wuxuu markasta ku adkeysanayaa inuusan wax dambi ah lahayn, isagoo isku sifeeyay inuu yahay la hayste siyaasada Ruushka ah iyo maxkamadeyn "been abuur" ah.

Paul Whelan in the Moscow courtroom

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Paul Whelan waxaa lagu xukumay 16 sano

Maxbuuskan miisaan ahaan heerka sare ah, oo sidoo kale heysta baasaboorro Ingiriis, Kanadiyaan iyo Irish ah xidhiidhka qoyska awgiis, wuxuu bangiga kaheli jiray nooc maxaabiis isdhaafsi ah waxyar kadib xukunka.

Taasi waxay ahayd in ka badan lix bilood ka hor.

"Waxaan kacaa subaxdii waxaanan isku dayaa inaan noqdo sida ugu fiican ee aan awoodo," ayuu yidhi Mr Whelan oo BBC-da u sheegay inuu ku jiro IK-17, oo ah jeelkiisa oo aad loo ilaaliyo, kuna yaalla meel sideed saacadood looga socdo koonfurta bari ee caasimadda Moscow.

Laakiin qeyb kamid ah xerada ayaa hada la karantiilay iyada oo looga shakisan yahay inuu ka dillaacay Covid-19, waxaana habeenki labo saacadood hurdada ka toosiya ilaalada xabsiga oo kala baxa bustahiisa isla markaana sawir ka qaata, xilli la hubinayao in uu baxsaday iyo in kale.

The Metropol hotel in Moscow
Qoraalka sawirka,

Mr Whelan waxaa laga soo xidhay Metropol Hotel oo ku yaal Moscow

Horay ayuu ninkan ula hadlay BBC-da xilligii ay socotay dhageysiga dacwaddiisa, inkastoo ilaalada xabsiga aysan waqti ku filan siinin wariyaha BBC-da ee wareysanayay.

laakiin tan iyo markii xukunka lagu riday Mr Whelan wuxuu xabsiga gudihiisa kasoo wacay BBC-da isagoo sheegaya in la khiyaanay.

Mar uu ka sheekeynayay qaabkii loo xiray ayuu yidhi: "Anigoo isu diyaarinaya inaan hoteelka kasoo baxo ayaan la kulmay qof i sugayay, lama filaan ayeyna igu noqotay."

"Qofku" wuxuu ka mid ahaa saaxiibo badan oo uu ku yeeshay Ruushka tan iyo booqashadiisii ugu horreysay ee 2006. Wuu yaqaanay ninkan qoyskiisa, wuxuu la joogi jirey gurigiisa - xitaa wuxuu baray waalidkiis.

Paul Whelan and his parents

XIGASHADA SAWIRKA,WHELAN FAMILY

Qoraalka sawirka,

Paul Whelan oo la sawiran qopyskiisa magaalada Moscow

Laakiin wuxuu u shaqeynayay kooxda sirdoonka FSB ee Ruushka, waxaana xigey daqiiqado ka dib markii uu ka soo muuqday hudheelka maalintaas, oo markii danbe la xidhay.

"Way i qabteen oo hoos ayay ii jiideen,"ayuu yidhi Whelan. "Waxaan u maleynayay markii hore inay aheyd kaftan ama khiyaano laakiin waxay noqotay mid si dhaqso leh ku dhacday."

Paul Whelan wuxuu leeyahay dhamaan kiisaska iga dhan ahi waa "doqonnimo" waxayna ku saleysnaayeen markhaatiga isla saaxiibkaas.

"Sheekadu waxay ahayd in CIA [oo ah sirdoonka militariga Mareykanka] ay ii soo direen Moscow si aan u soo qaado flash drive oo ay ku qoran yihiin magacyada iyo sawirada ardayda dugsiga ilaalada xuduudaha," ayuu yiri Mr Whelan, isagoo ku doodaya in howlgalka tikniyoolajiyadda noocaas ah uu ahaa mid " aan macquul ahayn " xilliga internetka.

Paul Whelan was a US police officer when he was younger
Qoraalka sawirka,

Paul Whelan waxa uu ahaa askari markii uu yaraa

Suurtagal ma ahan in la xaqiijiyo sheegashada Mr Whelan iyadoo xitaa qareenada difaacaya ay ku qasban yihiin inay saxiixaan heshiis aan shaaca laga qaadin oo ku saabsan dacwadaha basaasnimada iyo dhageysiga maxkamadda laftooda, oo loo wado hab hoose.

Laakiin Paul Whelan waxaa loo sheegay in Ruushku uu doonayay inuu ka ganacsado bilowgii, oo xadhigiisa ku beddesho wax kale, sida in dad maraaykanku ka haysto loo soo daayo.

US Ambassador to Moscow John Sullivan
Qoraalka sawirka,

Safiirka u qaabilsan Moscow John Sullivan ayaa isna ficilkan cambaareeyay

Wuxuu sheegay in laba magac mar walba la sheegi jiray: ganacsadaha hubka ee Victor Bout iyo Konstantin Yaroshenko, oo lagu xukumay dacwad tahriibinta daroogada - kuwaas oo Ruush ah balse Mareykanka ku xidhan.

Dhanka kale Maamulka Mareykanku wuxuu wadahadal la gelayaa "xubno sarsare" oo ka tirsan dowladda Ruushka, sida uu sheegay safiirka Mareykanka u fadhiya Moscow, in kasta oo uusan wax tafaasiil ah ka bixin doonin.

"Ma jeclayn in aan waxbadan soo qaaado Paul, oo aanan salaamin oo aanan gurigiisa Michigan u dirin" ayuu John Sullivan yidhi isbuucii la soo dhaafay.