Guddoomiyayaaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Garowe

0
Saturday December 26, 2020 - 17:08:37 in by salman abdi
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyayaaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Garowe

    Guddoomiyayaaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Garowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyayaaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Garowe Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta magaalada Garowe kusoo dhoweeyay guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi  iyo Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal.

Labada guddoomiye ayaa Garowe u tagay ka qeyb galka shirka aragti-wadaaga Soomaaliya oo todobaadkaan lagu qabandoono magaalada Garowe.

Shirkaan waxaa qabanaya mac-hadka Heritage, waana markii ugu horaysay oo lagu qabanayo Soomaaliya meel kamid ah, iyadoo loo sababeynayo cudurka Karoona Virus awgiis. Dal Jabuuti ayaa lagu qaban jiray sanad kaste.

Shirkaan ayaa looga hadlidoona marxalada kala guurka Soomaaliya, waxaana isku arkidoona dadka siyaasada isku diidan sida dowladda federalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo murashixiinta madaxtinimada.

Shirkaan kama qeyb galidoonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaarihiisa, hase ahaatee waxaa la filayaa inay xukuumadu u soo dirsato raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhinaca dowlad goboleedyada waxaa la sheegay inuusan kasoo qey galidoonin madaxweynaha koonfur galbeed Cabdicasiis laftagareen.