"C/Raxmaan Cirro hal baa seegay, Siciid Cilmina Hal baa seegtay,Aareeye na hal baa seegtay , Siciid Sulubna Wax ...." W/kuxigenka Ganacsiga

0
Sunday November 09, 2014 - 08:16:30 in by salman abdi
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "C/Raxmaan Cirro hal baa seegay, Siciid Cilmina Hal baa seegtay,Aareeye na hal baa seegtay , Siciid Sulubna Wax ...." W/kuxigenka Ganacsiga

    Wasiirkuxigenka Ganacsiga Somaliland oo si kulul u dhaliilay Tayada Mucaaradka, kuna Tilmaamay inay isugu tageen ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkuxigenka Ganacsiga Somaliland oo si kulul u dhaliilay Tayada Mucaaradka, kuna Tilmaamay inay isugu tageen ....

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga ee Somaliland, Bashiir Cabdi Xariir ayaa sheegay in xisbiyadda mucaaridka ah ee dalka ay hayso aqoon darro iyo bisayl la’aan siyaasadeed.

Wasiir Ku xigeenku waxa uu naqdiyay xaflad dhawaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku qabsadeen Huteelka Crown ee Hargeysa oo uu sheegay inuu iskugu biyo shubtay gole ceebeed iyo hal-seeg siyaasadeed.

Bashiir Cabdi Xariir waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray oo u dhignaa sidan:- "Baryahan dambe xisbiyada mucaaridku waxay tumayeen hargo madhan. Horumarka dalka u kordhayna wax la qarin karo maaha, xisbiyada mucaaridkana waxa ka muuqata bisayl la’aan iyo kaadir la’aan xisbi waxa ugu dambeeyay Xisbiga Waddani xafladii uu ku qabtay Huteel Crown waxa ay ku biyo shubatay gole ceebeed iyo hal seeg siyaasadeed.

C/Raxmaan Cirro hal baa seegay Siciid Cilmi iyo Aareeye awalba golaha garabkaaga ayay fadhiyeene’ waxba ha ku hawshoon. Siciid Cilmi hal baa seegay kol haddii aad xisbi qaran ka baxayso oo ay mid qoys kuu tahay haw tagin mid ay is ag taagan yihiin C/raxmaan Cirro, Siciid Sulub iyo ina Aw Xoog, Ee haatan u tag halka ay joogaan Jamaal Cali Xuseen, Faadumo Siciid iyo Rooda.

Aareeye hal baa seegtay wuxuu meesha ka yidhi madaxwaynihii markaan afgaran waayay ayaan caayay adna waan ku caayi haddii aan ku garan waayo. Isna waxa seegtay haddii aad odaygii aflagaadaysay kanaad u timina ha kula sii balamin inaad caayi doonto.

Siciid Sulubna wax badan baa seegay Shirka Waddani ka ammaan intaad UDUB-tii gacmihiina ku burburtay ka ammaanayso.Wasaaradii hawlaha guud iyo SRA ha soo qaadin ilayn wiish gaadhi dhayna ah saaran ayay UDUB kaga tagtay. Maantana 50 macidaad ah ayaa dhammaan waddooyinka ka shaqaynaya dalka oo dhan bari iyo galbeed oo dawladdu iibisay. Waxa seegay xaafad iyo dhaqan ha faro galin iyo waxa laga dhisay adiga oo af xisbi ku hadlaya.

Siciid Sulub Waddani waxna uga kordhi maayaan, waxna ku kordhin maayo. Kolayba Waddani xaafadayada waxoogay cod ah wuu ka heli. ee isaga waxa uga dhawaa isaga oo saaxiibkii Cali Waran cade iska sugaSahan baa u maqnaaye.

Deegaanka koonfurta Hargeysa wixii aad tirsateen xaal ka qaata. Waana ILAAHAY Mahaddii hadda waxa soo socda wax ka ogaateen oo maanta kala garanaysaan ninka ii xiir xiiraya iyo ninka ii hool hoolaya.” ayu yidhi