QABYAALADA NAAFAYSAY BULSHADA REER SOMALILAND By:Mohamed ismail jama maygaag

0
Sunday November 09, 2014 - 10:56:24 in by salman abdi
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QABYAALADA NAAFAYSAY BULSHADA REER SOMALILAND By:Mohamed ismail jama maygaag

    Waxaan halka kan ku soo bandhigayaa fikir aan qabo oo beryaha kan ah waxaa inagu soo badanaya qabyaalada iyo reer hebelnimda iyo qabyaalada oo waxaad arkaysaa oday dhaqmeed ama nin wayn oo 50 jir sarre u dhaafay oo leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan halka kan ku soo bandhigayaa fikir aan qabo oo beryaha kan ah waxaa inagu soo badanaya qabyaalada iyo reer hebelnimda iyo qabyaalada oo waxaad arkaysaa oday dhaqmeed ama nin wayn oo 50 jir sarre u dhaafay oo leh

anakoo reer hebla waxaan cambaynaynaa reer hebel waxaanay taasi cadaynaysaa in weli aanay Somaliland u bislaan dawladnima ama isku duubnaanta beryahan danbe waxad maqlaysaa TELEVISIONADA ama iidaacadaha oo oo laga sii daynayo aflagaado cay dumar iyo isku dir bulshada degta deeganada kala duwan ee Somaliland taasina waxay sababaysaa kala fogaansho iyo kala qaybsanaan bulshada oo qof kasta oo Somaliland jooga ku odhanayo anaku reer hebel ayaanu nahoo reer hebel waanu necebnahay hadaba bulshada reer Somaliland waxaa loo baahanayahay in laga baxo qabyaalada ina naafaysay ee kala fogaynaysa bulshada waayo hadii bulsho meel wada degta ay isu fiirsato kuna dhaqanto hab qabyaaladeed waxaa imanaya burbur iyo kala qaybsanaan

Bulshada reer Somaliland uma baahna oday wayn oo cimrigiisi ku soo laastay hab qabyaaladeed oo hadana doonaya inuu baro dhalinyarada Somaliland waxaad arkaysaa dhalin yaro is laynaysa oo isu laynaysa reer hebel dhalinyaradaasi yaa baray qabyaalada jawaabtu waxa weeye waxaa baray aabayaashood oo hadh iyo habeenba intay TELEVISION soo fadhiistaan odhanaya anakoo reer hebela waxaan cambaaraynaynaa reer hebel kale waxaan ka cosanayaa warbaahin in ay iska dhaafaan reer hebel oo ay u bedelaan gobolka,degmada,tuulada waayo waxay yara asturaysaa qabyaaladii qaxeenayd ee caruurta la barayey hadaba Somaliland uma baahna oday dhaqmeede waxay u baahantahay dad aqoonyahan ah oo feker iyo cilmi saliim leh..


 

By:Mohamed ismail jama maygaag

E-mail:khudayr99@hotmail.com