Isfaham laga gaaray mid ka mid ah qodobada looga hadlayo shirka Dhuusamareeb

0
Thursday February 04, 2021 - 09:04:49 in by salman abdi
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isfaham laga gaaray mid ka mid ah qodobada looga hadlayo shirka Dhuusamareeb

    Isfaham laga gaaray mid ka mid ah qodobada looga hadlayo shirka Dhuusamareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isfaham laga gaaray mid ka mid ah qodobada looga hadlayo shirka Dhuusamareeb

Xilli wali uu magaalada Dhusamareeb uu ka socda shirka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in isu soo dhawaasho ay jirto.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo BBC u waramay ayaa sheegay in ilaa iyo imika uu shirka si habsami leh uu u socdo.

Waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan qodobo is-faham laga gaaray ilaa iyo imika.

Mr Ciid ayaa carabka ku dhuftay in qodobka soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliland ilaa iyo imika is faham laga gaaray.

" Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Soomaliland inta aan ogahay is-faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray Waxna wayn ka dhiman yihiin", ayuuyiri madaxwayna ku xigeenka Galmudug.

Waxaa uu intaa ku daray in wadaxaajoodka qodobka soo xullidda xubnaha baarlamanka Soomaaliland ay ku lug leeyihiin gudoomiyaha aqalka sare iyo rai'sul wasaara ku xigeenka.

" Waxaan kuu sheegi karaa oo kali ah in arrinta Soomaaliland meel fiican ay mareyso oo Isfahan u dhawdahay aadna dhinacyada isugu soo dhawaadeen rais'sul wasaara ku xigeenka iyo gudoomiyaha aqalka sarana-na ay ku lug leeyihiin oo ay ka qeyb qaadanayaan", ayuu yiri Mr Ciid.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale sheegay in qodobada kale ee uu muranka ka taagnaa ay wali socdaan wadaxaajoodyada.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid

XIGASHADA SAWIRKA,GALMUDUG STATE HOUSE

Qoraalka sawirka,

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid

Mr Ciid ayaa xusay in arrinta gudiga dooradshada iyo qodobka gobolka Gedo ay imika madaxda ka wadahadlayaan.

"Qodobada kale wali waa lagu wada jiraan oo ku saabasn guddiga doorashada iyo waxa laga tataaban karo iyo arrinta Gedo oo u dambeysa, markaa ilaa iyo hadda si habsami leh ayuu shirkaasi u socdaa", ayuu yiri.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid sheegay in qodobka guddiga doorashada ay muuqato in intii hore la isaga soo dhawaaday.

" Sida muuqata aad ayay isugu dhaw yihiin labada dhinac marka laga hadlayo guddiyada doorashada", ayuu yiri Mr Ciid.

Waxaa uu dhanka kale sheegay Mr Ciid in qodobka gobolka Gedo lagu wado in maanta ay madaxda guda galaan.

" Qodobkaas wali lama guda galin, waxaana la guda galayaa maanta oo si fiican loo falanqeynayaa", ayuu inta ku daray.

Madaxwayna ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa rejo ka muujiyay shirka madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda fedaraalka uga socda magalada Dhuusamareeb.

Shirka magaalada Dhuusamareeb aya ku soo beegmaya xilli ay muudo xileedka madaxwayne Farmaajo ka harsan tahay maalmo kooban.

Shirka Dhuusamareeb ayaa ah kii afaraad oo magaaladaasi lagu qabto islamarkana looga wadaxaajoonayo arrimaha doorashada.