"Waxaan Rumaan Ahaa 5 sanno Oo Aan Ku Jiray Jeelka" Mid ka Mid Ah Maxaabiista Ku Xidhnaa Xabsiga Weeyn Ee Hargeysa
"Waxaan Rumaan Ahaa 5 sanno Oo Aan Ku Jiray Jeelka"
Mid ka Mid Ah Maxaabiista Ku Xidhnaa Xabsiga Weeyn Ee Hargeysa Warbixin ay soo saareen Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday
Kiisas xukun laga soo saaray, oo racfaan laga qaatay, balse qofkii xukunka koowaad lagu riday oo
dhamaystay muddadii lagu xukumay intii aan la guddo gelin rafcaankii uu ka qaatay xukunkiisa.
Qayb ka mid ah warbixintan ay shalay soo saareen Komishanka Xuquuqul Iisaanka Qaranka Somaliland oo
ay kaga hadleen Xuquuqda Rafcaanka & Dib u Dhaca Dacwadaha, ayaa waxa lagu yidhi
warbixinta"Komishanku intii uu ku jiray kormeerka wuxuu xabsiyada qaarkood kula, kulmay maxaabiis
maxkamadda darjada koowaad xukuntay oo xukunkaa rafcaan ka qaatay laakiin se aan la dhaqaajin
dacwadii rafcaanka ahayd sidaa na uu ku dhammaystay xukunkii uu rafcaanka ka qaatay isagoo xidhan o
aan la dhagaysan dacwadiisii rafcaanka ahayd."
Mid ka mid ah maxaabiista ku xidhnaa xabsiga Mandheera, oo Komishanku waraysteen, ayaa u sheegay
sidan: "Waxaa laygu xukumay hal sano iyo lix bilood oo xadhig ah waxaanan ka qaatay racfcaan, laakiin se
lama dhagaysan lama dhaqaajin dacwaddaydii racfaanka ahayd, waxaanan sidaa ku dhammaystay xukunkii
aan ka qaatay rafcaanka”
Arrinkaasi wuxuu caqabad ku yahay hannaanka caddaaladda bulshada nugul ee aan haysan cid u
dhaqdhaqaaqda isla markaana aan helin adeegga kaalmo sharci ayaa u badan dadka la kulma tacaddiyada
noocan ah.
Sidoo kale, waxa Komishanku ogaaday inay jiraa dib u dhac iyo habsan ku dhaca dacwadaha inta lagu gudo
jiro baadhista iyo dhageysiga dacwadaha, kuwaas oo dadka qaar la kulmaan in muddo badan garsugayaal ku
ahaadaan xabsiyada iyo jeelasha dalka.
"Waxaan rumaan ahaa 5 sanno oo aan ku jiray jeelka waxaan ka aamin baxay caddaaladda”Ayuu yidhi Mid
ka mid ah maxaabiista ku xidhnaa xabsiga weyn ee Hargeysa, oo ay la kulmeen Kormeerayaal ka socday
Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka.
"Waxaan Rumaan Ahaa 5 sanno Oo Aan Ku Jiray Jeelka" Mid ka Mid Ah Maxaabiista Ku Xidhnaa Xabsiga Weeyn Ee Hargeysa
"Waxaan Rumaan Ahaa 5 sanno Oo Aan Ku Jiray Jeelka" Mid ka Mid Ah Maxaabiista Ku Xidhnaa Xabsiga Weeyn Ee Hargeysa