Lama filaan!!!!! Sheeko Gaaban ....Guur aan ka la'aado gabadh qurba jooga!

0
Monday March 10, 2014 - 10:35:07 in by Super Admin
  • Visits: 3339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Lama filaan!!!!! Sheeko Gaaban ....Guur aan ka la'aado gabadh qurba jooga!

    meertooyinka noloshou;waa wax dabiiciya ama alle gartay markuu dunida iyo inta ku nool jaangoyay.ma'aha wax dad gaari ay maraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

meertooyinka noloshou;waa wax dabiiciya ama alle gartay markuu dunida iyo inta ku nool jaangoyay.ma'aha wax dad gaari ay maraan.

Lama filaan!

Guur aan ka la’aado gabadh qurba jooga!

 Nolosho waa meerto.waagii beryaba warbaa daraan.mushkilad dhaqaale, mid qoys mid, wax-barasho,mid dadka iyo dalka ka jirta,intuba , wareegga nolosha:waa qaar ku lammaan.meertokasta oo marxalad aad ku jirto;waa mid ladhakeeda iyo legdankeeda leh.

xus iyo dareen ayay laabta ku reebta oo aad waayo ka sheekayso.meertooyinka noloshou;waa wax dabiiciya ama alle gartay markuu dunida iyo inta ku nool jaangoyay.ma’aha wax dad gaari ay maraan.

Caruurnimadaydii iyo gaashaan-qaadkaygii:garaadkaygu  mar ba meel ayuu taagnaa,mar kubadda cagta ayaan jeclaa,mar waan necbaa.mar waan ka saahiday intaasba oo wax-barasho ayaan u hub-qaatay.gugii kuu kordhaba hadddaan garaad ku kordhin,ille nolosha guul kama gaadhid!.

Gugii 15aad markaan ku jiray,waxaan  naftayda ka dareemay  ‘ is-bedel’

Is-bedeladan nafsiga ah ee aan arkay waxaan ka xusi karaa ‘haasaawaha iyo jaceylka’.waagaas laabtayda ayuu haasaawuhu aad u xadantayn jiray.caadooyin badan oo aan jeclaa ayuu xayiraad iga saaray  marka laga reebo ‘wax-barashada’.dhaqano cusub ayuu ibaray.daabeecado kale ayuu igu abuuray.saaxiibo cusub ayaan bartay.dhaqanada iyo caadooyinkaas jaandheerta iga dhextumanayay,waxa safka hore kaga jiray ‘jacayl’.hablaha gashaantiga ah ee quruxda iyo xishoodka alle ugu deeqay ee geyiga soomalida gobolkasta jooga gaar ahaan intii markaas degaankayga ka sheegnayd.asli,haboon,caasha;waa hablihii ka ka sheegnaa deegaanka waagaas,tolow maanta maxay ku sugan yihiin?!.

Niwaliba laabta waxa uu ka jeclaa adiga ayaa u dhigma?,anna ka mid ayaan ahaa!. Hal dhib ayaa jiray oo I hortaagnaa markasta oo aan tamaniyo in aan  inanta dookhayga ah la haasaawo,hal arin ayaa laf dhuun-gashay igu noqday. Tolow muxuu ahaa waxaasi?.asxaabtayda markaan la joogo gaar ahaan xilliyada kaftanka,waxaan ka ahaa ragga laga dambeeyo, laakin ,markaan jeclaysto in aan inan la haasaawo ‘ayaa dabku iga dhici jiray!’.asxaabtayduna igu carin jireen " car hebla la hadal”  oo miyaan ku dhiiran karaa!?.nin la careeyay ceebi uma hadhin!.xaalkaygu se aakhirkii is-bedel.haddii aan ka cabsoon jiray ,hadda ku dhiiraday.

waagaas waxa aroostay saaxiibkay rumaad ‘yaxye’. Arooskii ka dib,ayaan galab jimce ah ,soo booqday saaxiibkay.waxaan imi gurigiisii inkastu yar maqnaa laakin dumaashiday oo ahayd inan qurux ,dabeecad iyo kaftan kulansatay ayaa guriga joogtay.bariido ka dib,kaftan ayaanu is-waydaarsanay.waxaan ka xasuustaa kaftankeedi;

"axmedow,habluhu markay wiilasha xamanayaan qaarba wax ayay ku xantaan,adiga waxa lagugu xantaa;wiil han-wayn”

"dumaashi,adna miyaad la qabta?”

"haa… waayo imisa hablood ayaan kuu soo bandhigay inaad la hadasho”

"dee dumashii ku waasi dookhayga may ahayn”

"arinkaas lagugu xanto malaha waxba ka jira hadda axmedow?”

"maya..dumaashii ee hadda maxad haysaa”

"haddaa… hablihii…”

"hee… maxa a ku dhacay”

"waxba kuma dhicin laakin,badan koodi waa la guursaday,illee waadigii diiday e,markaa waxna hayaa dhowr hablood oo kale”.

Intaas markay tidhi ayaan aad u farxay oo aan haddana  waydiiyay, "yaa ka mid ah,magacyadooda”

"axmed,diyaar ma tihide,maad iska dhaaftid magacyadooda?”

"dumaashii diyaar waan ahay e adiga wax lee ii sheeg”

"ka waran ,hebla iyo hebla”

Intaas markay tidhi ayaan naftayda ku idhi, " waxaan islaha waxay kuu sheegi hablo yurub iyo markan jooga”.markaas ayaan maqlay iyadoo igu leh,                       " axmed.waadiga aammusay e waad ka heshay maaha?”   

 "maya”

"ma inan ayaad jeceshahay axmedow?”

"maya dumaashi ,ma jeceli”

" bal dokhaaga I sheeg?”

"dumaashi… anigu ma jecli hablaha dalka jooga,mana xiiseeyo”

"haddaa ma hablaha qurba-jooga ah ayaad jeceshahay?”

"afkaaga caano lagu qabay! Dumaashi,hadda ma wax kale?”

Intay aad u qososhay ayay tidhi. " calafkaaga ilahay ayaa qoray laakin dalka hablo wacan oo aqoon leh ayaa jooga,waxaan kugu la talin lahaa ka faa’aadayso axmedow”

" waa fikir fican dumaashi laakin,wakhtigan guurka waxa uu ku jira habalaha qurba-jooga ah waayo markaad guursato way ku dhoofin,ka dibna waxaad noqon qurba-joog,laba wiil oo aanu is ku fasal ahayn dugsigi sare ayaa guursaday hablo ay family yihin oo qurbajoog ah,guurkii ka dib way dhoofeen ,wax-barashadina maalintii ay hablahaas  guursadeen ayaa ugu dambaysay,dumaashi haygu habsaamin  hablaha dalka jooga,gaastari ayaan ka qaadayaaye!”

"warbaad la timi oo wax ma haysa markaa”

" 5 sano ayaan raadinaayay.weli waxba ma hayo.internetka kama kaco,xilliga shaqada iyo fasaxa sku si ayaan u adeegsada! Welina carmal ama garoob kama helin!”

"oo garoob haddii aad hesho ma guursan lahayd!?”

"haa.waan guursan laha,waayo passport ayay haystaa”

"dee aniga….”

"hee.hadal ka I dhamaystir ,ma waxbaad haysa?”

"inaadeertay oo laba nin oo hore soo furtay ayaan garanayaa oo soo degtay  bishii hore”

"war farxad leh ayaad I sheegay wallahay!!”

"laakin anigu kulama jecli inaad guursato gabadha ama aad ku degdegto  guurkeeda.wiil dhalinyaro ah ayaad tahay,shaqo fican ayaad haysataa.gayaankaa ayaa meelkasta dalka jooga markaa waxaan kugula talin lahaa inaad fikirkaas ka noqoto”

"dumaashi waxaas iska dhaaf ,waxaan ka codsanayaa inaad isoo barto?”

" anigu kulama jecli laakin haddii aad haari ku tahay waan ku bari waayo iyada ayaa iga codsatay in aan wiil u soo raadiyo markaas waa inoo  berito”

"mahasanid” ka dib waan baxay anigoo lay moodo inlaygu bushaareeyay in aan dunida ‘boqorka noqdo’.

Xilligii ballantu ahayd ayaan gurigii imi anigoo ka soo hordhacay!.hal todobaad oo barasho ah ka dib arooskaygii ayaa qabsoomay.aroos aad u qiimo badan oo wixii aan lacag hayay u huray! .todobabixi ka dib,xaaskii way dhooftay.anigana waxa iga guuxaya,goormaad dhoofi? Ma bilaha soo socda? ,mise sannadka dambe?

Laga bilaabo ,wakhtigii ay dhooftay, waxa kasoo wareegtay in ka badan 3 sano.maalin dib uma soo jaleecin wiilkii lacag wuxuu haystay u horay iska daa in ay dhoofiso e.qoyskaygii iyo asxaabtadiiy way igu wada dayriyeen arinkan anna waan ku dayriyay bilawgii, laakin, waan garwaaqsaday! Goor aan si walba u jabay.hablihii sheegana beri hore ayaa la wada guursaday oo ay gaysh caruur ah dhaleen!anna goormaad dhoofi ayaa wakhtigii igaga lumay!!?.

Qore: bashiir raacdeeye

Burco-somaliland