Dawladda Kenya Oo Bedashay Dhammaan Qareenadeedii Kiiska Dacwadda Badda Ee Maxkamada ICJ

0
Sunday February 21, 2021 - 13:37:03 in by salman abdi
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Kenya Oo Bedashay Dhammaan Qareenadeedii Kiiska Dacwadda Badda Ee Maxkamada ICJ

    Dawladda Kenya Oo Bedashay Dhammaan Qareenadeedii Kiiska Dacwadda Badda Ee Maxkamada ICJ

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Kenya Oo Bedashay Dhammaan Qareenadeedii Kiiska Dacwadda Badda Ee Maxkamada ICJ Dowladda Kenya oo dhowaan ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa haatan bedashay dhammaan qareenadeedii dacwadda badda ee taal maxakamadda ICJ. Xukuumadda Nairobi ayaa soo xulatay illaa siddeed qareen oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay yihiin Ajaaniib ah, halka xubinta 8-aad ay tahay haweeney Kenyaan ah. Dhammaan qareenadan ayaa ah kuwa caalami ah oo leh qibrad sare, islamarkaana kasoo shaqeeyey xarumo kala duwan & jaamacado, waxaana hoggaaminaya nin lagu magacaabo Prof Sean Murphy oo uu weheliyo qareen kale oo la yiraahod Tullion Treves. Halkan hoose ka aqriso magacyada:- 1: Hoggaamiyaha qareenada oo lagu Magacaabo Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law, 2: Garsoore hore iyo bare Culuumta Sharciga ka dhiga dalka Ingiriiska Tullion Treves., 3: Prof Laurence Boisson De Chazournes oo isna khabiir ku ah sharciga caalamiga kana socda jaamacadda Geneva ee dalka, 4: Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah, waxaana ay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar, 5: Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo ka dhiga sharciga caalamiga ah Jaamacadda Geneva., 6: Sidoo kale waxaa kooxda ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva., 7: Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Waa Muwaadinad Jarmal ah, iyada oo dhowr jeer ka soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan iyo 8: Eran Sthoeger oo laga keenay Israel, waxaana uu ka qeyb qaatay kiisas u dhaxeeyay dalalka Peru & Chile. Xubnaha ay Kenya soo xulatay sidoo kale waxaa ka mid ah madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga Coalter Lathrop, kaas oo qareenada u fidin doono caawimaad dheeri ah. Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan wax ka yar bil ay ka harsan tahay dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya.