Dawlada Turkiga Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Adag Ee Soomaaliya
Dawlada Turkiga Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Adag Ee Soomaaliya Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa
looga hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka 2021.
Ugu horreyn Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo
muranka ka taagan hannaanka doorashada dalka.
Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa loogu baaqay inay si wadajir ah xal uga
gaaraan is mari-waaga doorashada & heshiiskii 17-kii September.
"Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka salka ku haya doorashooyinka, dhammaan
Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabsho, isla markaana waa in wadajir xal looga gaarayaa heshiiska
dhacay 17-ka September 2020,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda
Turkiga.
Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya "Waxa aan rumeysan nahay in walaalaheen & saaxiida Soomaaliya
ay leeyihiin Rabitaan & bisayl siyaasadeed oo ay ugu go’aan gaari karaan Mustaqbalkooda,”.
Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay is qab-qabsiga doorashada, kadib markii ay
todobaadkan rabashado xoogan ay ka dhaceen magaalada Muqisho
Dawlada Turkiga Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Adag Ee Soomaaliya
Dawlada Turkiga Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Adag Ee Soomaaliya