''Madaxweyne Farmaajo Waa In Uu Talada Ku Wareejiyaa Gole Qaran Oo Ku Meel Gaadh Ah" Midowga Musharixiinta

0
Thursday February 25, 2021 - 13:49:09 in by salman abdi
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Madaxweyne Farmaajo Waa In Uu Talada Ku Wareejiyaa Gole Qaran Oo Ku Meel Gaadh Ah" Midowga Musharixiinta

    ''Madaxweyne Farmaajo Waa In Uu Talada Ku Wareejiyaa Gole Qaran Oo Ku Meel Gaadh Ah" Midowga Musharixiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Madaxweyne Farmaajo Waa In Uu Talada Ku Wareejiyaa Gole Qaran Oo Ku Meel Gaadh Ah" Midowga Musharixiinta Qoraal ay u gudbiyeen midowga Musharixiinta beesha caalamka ayeey ku dalbadeen qoddobo dhowr ah oo ka dhan ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka. Sidoo kale qoraalka ayeey ku dalbadeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadii 19kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladdu isku hortaageen dibadbax ay doonayeen mucaaradku in ay k a dhigaan fagaaraha Daljirka Dahsoon. Sidoo kale waxaa ay dalbadeen in madaxweynaha dowladda Soomaaliya awooda ama talada dalka ku wareejiyo Gole Qaran iyo waliba in midowga Musharixiinta qeyb ka noqdaan wada hadallada la xiriira doorashooyinka dalka. Sidoo kale waxaa ku jira dalabka midowga musharixiinta in ay gabi ahaanba is casilaan taliyayaasha Militariga, Booliiska iyo Nabad-sugida madaama ay ku lug lahaayeen weerarkii midowga musharixiinta ee Jimcihii toddobaadkii hore dhacay.