Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

0
Saturday February 27, 2021 - 13:06:02 in by salman abdi
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

    Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey oo cunaqabateyn ku soo rogay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa isla qaatay xiyaarad ka dhan ah saddex horjooge oo ka tirsan Ururka Al-shabaab sida lagu sheegay bayaan Goluhu uu soo saaray 26kii bishan oo ku beegneyd maalintii shalay.

Horjoogayaashan la sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karataay, oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee ururka Al-shabaab.

Talaabadan Golaha amaanku uu xayiraadka ku saaran horjoogayaashan ka tirsan Al-shabaab ayaa imaneysa kaddib markii ay sidaa ka codsatay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu diray Liiska kooxaha iyo xubnaha argagixisada.

Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab, halka Macallin Ayman uu yahay aas aasaha guuto ka dagaalanta Kenya, sidoo kale Mahad Karataay ayaa kaalin weyn ku dhax leh dhaqdhaqaaqa kooxda, wuxuuna mar soo noqday ku xigeenka hoggaamiyaha kooxdaas, inkastoo mar dambe laga wareejiyey.