Tallaalka Covid-19 oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

0
Monday March 15, 2021 - 16:35:44 in by salman abdi
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallaalka Covid-19 oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

    Tallaalka Covid-19 oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaalka Covid-19 oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray tallaalka Covid-19 oo tiradiisu yahay 300,000, looguna talagalay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka kuwa ugu nugul ay xaaladdooda caafimaad liidato sida ay ku taliyeen guddiga qaran ee kahortagga COVID-19.


Tallaalkan waxay Soomaaliya ka heshay xarunta caalmiga ah COVAX, waana in ku filan ugu yaraan 20% tirada guud ee dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu gaarsiin doono tallaalka wajiyo kala duwan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si joogta ah  wada haddalo iyo  dadaal ugu jirto si loo kordhiyo qoondada tallaalka COVID-19 loona gaarsiiyo bulshada inteeda badan.

"Tallaalka Covid-19 waxaa uu yimid xilli Soomaaliya wajaheyso ladagaalanka soo laba kacleynta cudurka Covid-19, waxaana lagu xakameyn karaa oo keliya markaan dhammaanteen iskaashanno,” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nur.

Tan iyo markii uu Covid19 uu ka dilaacay Soomaaliya  waxaa la diiwangaliyay  8,946  kiis oo la xaqiijiyey in uu ku dhacay COVID-19. Waxaa ku jira tiro dhimasho oo gaaraysa 349. Sida ku xusan warbixinta maalin laha ee ay soo saarto Wasaarada Caafimaadka.

Laga soo bilaabo 1 ilaa 22 bisha Febraayo 2021, isugeynta 1,432 kiisas oo cusub iyo 76 dhimasho ayaa laga diiwaangeliyay Muqdisho oo kaliya.