Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Ay U Joojisay Duulimaadyadii Air Arabia Iyo Fly Dubai Ee Somaliland
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Ay U Joojisay
Duulimaadyadii Air Arabia Iyo Fly Dubai Ee Somaliland Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta ay Somaliland uga shaqayn
waayeen Shirkadaha diyaaradaha ee Air Arabia iyo Fly Dubai.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo
marti ku ahaa Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in sababta ay
diyaaradahaasi loogu ogolaan waayay inay ka shaqeeyaan Madaarka Hargeysa ee Somaliland tahay inay ka
cajo-jiideen inay heshiis la galaan Dawladda Somaliland.
Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal uu arrintaa ka waydiiyey Muwaadin ka mid ah Dadkii barnaamijkaa ka
qayb-galay, ayaa yidhi "Inta aan Anigu ogahay, diyaaradahaasi Air Arabia, Fly Dubai waxa yaalla oo
Dawladda Somaliland ka doonaysaa inay la gasho heshiis, laakiin Shirkadahaasina waxay ka cajo-jiideen
inay heshiis la galaan Somaliland.”